Monday, April 28, 2014

Daawo: Dalka Koonfur Afrika Oo Labaatan Sanno Kadib Maanta Udabaaldegaya Dimuqraadiyadii Ugu Horaysay + Soo Af-jaridii Midab Kala Sooca Ee Kajiray Dalkaasi Boqolaal Sanno.


Boqolaal Sanno oo midabtakoor ka jiray dalka Koonfur Africa iyo halgan dheer oo uu u soo maray dalkaasi sidii dadka madowga ahi uu u heli lahaa xoriyad dhanka ayaa waxa lagu guulaystay sanadkii 1994 in uu soo afjarmo nidaamkii midabtakoorka ee cunsuriyada ka dhanka ah dadka madowga




Xafladda loogu dabaaldagayana ayaa saaka kabilaabantay  caasimada Prettoria. Halkaas oo ay ay isugu soo bixidoonaan dad doonaya in mudnaan gooni ah lasiiyo isbadalkii labaatansano kahor dhacay.




labaatan sano ayaa laga joogaa maanta, kadib markii, waddanka Koonfur Afrika malaayiin faraxsan ucodeeyeen in ay soo afjaraan boqollaal sano oo midab kala sooc iyo dad xagjir ah ay haysteen maamulka, waxayna xilka u doorteen Nelson Mandela iyo xisbigiisa ANC.




Xafladda loogu dabaaldagayana waxaa ay saaka kabilaaban doontaa caasimada Prettoria. Halkaas oo ay ay isugu soo bixidoonaan dad doonaya in mudnaan gooni ah lasiiyo isbadalkii labaatansano kahor dhacay.




Waxaa lagu furi doonaa ducooyin ay soo jeedin doonaan hogaamiyeyaasha diimaha waawayn ee dalka Koofur Afrika.




Madaxwayne Jocob Zuma oo ah madaxwaynihii saddexaad ee badala madaxwaynihii aas aasay ee Nelson Mandela oo ay weheliyaan kumanaan kale waxaa lagu maaweelin doonaa heesaha dhaqanka oo ay soojeedin doonaan bulshooyinka kala duwan ee reer




south africa freedom south_africa_wide-97b1cfaf6e204e0d7575a5ee0c187d21c11aa8ef-s40-c85




Koonfur Africa oo ay kujiraan bulshada Afrikaans ka loo yaqaano kuwaas oo awood kulahaa halgankii dheeraa ee dalkaasi kadhigay wadanka uu aduunku u yaqaano qaran ka qaansa-roobaad ka.




Dabaaldagani waxaa uu imaanayaa iyada oo wax toban maallin ka yar ay naga xigto wakhtiga laqabanayo doorashada guud ee dalka Koofur Afrika.




Inkasta oo doorashadani aysan lamid noqon doonin tii labaatan sano kahor dhacday oo kale. Hadana ANC ayaa awoodda haysa tan iyo sanadkii 1994-tii.




Waxayna wajahayaan caqabado ayaga oo iskudayaya inay wax ka qabtaan shaqo la’aanta, saboolnimada iyo sinaansho la’aanta kuwaas oo wadanka ragaadiyay kadib tani iyo waqtigii midab kala sooca.




Inkastoo aan sidii waagii xoriyada loo arag hadana maanta waxaa lagu baaqayaa in la xialliyo dhibaatooyiinkaasi, waxayna su’aal ka taagan tahay sababta dhibaatooyinkaasi wali bulshada dhexdooda looga helayo iyo sida loo wajihi karo.




M.M.C