Saturday, April 26, 2014

Xarunta Xisbiga Kulmiye oo Ciidan lagu wareejiyay iyo Wasiir lagu dhex Feedhay


Hargeysa(GNA)-Ciidamo Bilayska Mudaharaadyada ka hor taga ka mid ah ayaa lagu wareejiyay Xarunta Xisbiga talada haya ee Kulmiye.




Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib, buuq iyo xiisad ka dhacday saaka gelinkii hore xarunta Xisbigaasi, ka dib markii kooxo ku muransan ergooyin xisbiga loo soo gudbiyay qaarkood isku faro saareen xarunta xisbiga.




Goor dhaweyd oo gelinkii dambe ah ayaa la maqlayay Rasaas ka dhacaysay xarunta xisbiga taasoo ay bilaysku ku rideen dad halkaasi ku soo buuqay.




Goob-joogeyaal ayaa Gobanimonews u sheegay in saaka gelinkii hore halkaasi uu ka dhacay gacan ka hadal dhex maray xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga iyo xukuumadda.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Madaxtooyada ayaa labaddooduba tegay xafiiska Xisbiga, kuwaasoo  ku dhex dhacay Buuqa xisbiga hadheeyay oo ku saabsan xulida ergada shirweynaha Xisbiga oo loo muddeeyay 28 Bisha, balse aanay waxba ka naaso caddeyn.




Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo Saleban Ciise Axmed oo ka mid ahaa xubnihii xarunta xisbiga maanta isugu yimi ayaa halkaasi lagu faro saaray, kaasoo Nin shicib ahi ku dhex dhirbaaxay xarunta Xisbiga.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay inuu Wasiirka dhirbaaxay Nin shicib ah oo ka soo jeedda Deegaamada Barriga, kaasoo ay Ciidanka Bilayska halkaasi ka kaxeeyeen isagoo jeebaysan.




Jahawareer xoogan ayaa ka taagan qabanqaabada shirweyne Xisbiga oo xiliga loo muddeeyay iyo sida xaaladuhu yihiin aad u kala durugsanyihiin.




Beelaha Ergooyinka loo qaybiyay ayaa isku maandhaafsan Magacyada ay xisbiga keenayaan.




Qaar ayaa Liisas kala duwan oo ashkhaas kala duwani wadato xisbiga keenay, kuwaasoo hogaanka xisbigu ku dawakhay u gar qaadistooda.




Siyaasiyiinta Beelaha ayaa hormuud ka ah soo xulida ergooyinka laakiinse waxa saameyn ku leh madaxdhaqameedka.




La soco wixii ka soo kordha




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com