Tuesday, April 29, 2014

Walaaca Xukuumadda Soomaaliya iyo Cabsida Dadka haysta Sharciga Kenya


Raysal-wasaaraha Somalia “Dowladda Kenya waxaannu ka sugaynaa  jawaab rasmi ah oo ku aaddan xariggii loo gaystay Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya”Maanta




ReysalMuqdisho, Isniin, April 28, 2014 –(GNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur, oo Muqdisho soo gaaray Axaddii 27-kii April kaddib markii loogu yeedhay inuu Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyo xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Kenya.




Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay usbuucyadan ugu dambeeyey dhibaatooyin xooggan, kadib markii xukuumadda Kenya ay bilowday hawlgalo ka dhan ah Soomaalida oo dad fara badan oo qaxoonti ah waxyeelo loogu geystay.




Talaabadaasi ayaa sababtay jawi xiisad diblomaasiyaddeed ah oo labada dal soo kala dhex galay.




Hawl-galkaasi ayaa gaadhay heer  ay ciidamada Kenya xiraan Qunsulka Siyaasadda ee jooga Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo dowladda Soomaaliyeed ay u aragto mid xadgudub ku ah heshiiska diblumaasiga.




Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si joogto ah uga wada hadlayay xaaladda dadka Soomaalida ah ee ku nool Kenya, waxaana ay dowladda Soomaaliya u dirtay hay’adaha xukuumadda Kenya ee ku shaqada leh hawlgalkan socda codsi ah in ay ixtiraamaan xuquuqda iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee ku sugan Kenya.




Kulanka dhex maray Reysal-wasaare Cabdiwali iyo Dan jire Cali Ameeriko




Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa daba socday kulan aan caadi ahayn oo ay Sabtidii isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada oo lagu falanqeeyey xaaladda ka taagan Kenya ee Soomaalida lagu hayo.




Kulanka ka dib Reysal-wasaaraha ayaa fariin u diray dawladda Kenya, isagoo dib u xusuusiyay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada.




“Xukuumadda Soomaaliya waxay sii waddaa in ay qeexdo walaaca xooggan ee ay ka qabto qab-qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaas oo addeecsan sharciyada u yaala dalkaas. Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya intooda badan waa kuwo jecel nabad ku wada noolaanshaha, waxayna door muhiim ah ka qaataan kobcinta dhaqaalaha Kenya.




 




“Dowladda Soomaaliya waxay si joogta ah xiriir ula samaysay dowladda Kenya si wax looga qabto qab-qabashada lagu hayo dadka Soomaaliyeed, waxayna rajaynaysaa in dowladda Kenya ay dadaal kasta ku bixiso ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan”ayuu yiri.




Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ka sugaysaa dowladda Kenya jawaab rasmi ah oo ku aaddan xariggii loo gaystay Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Mudane Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo ah xadgudub ka dhan ah ximaayadda diblomaasiyeed.




“Labadeenna dawladood waxay ka midaysan yihiin walaaca dhanka nabad galyada, lakiin qab-qabashada lagu hayo Soomaalida aan waxba galabsan waxay abuuraysaa jawi ku dheehan cabsi iyo is aaminid la’aan oo horseedi doona kala qaybsanaan soo kala dhex gasha bulshooyinkeenna.




Cabdiwali Maxamed Sheikh Axmed, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Kenya iyo Soomaaliya Mabaadii’ida amaanka ka midaysanyihiin.




“Waxaa mar kasta ka dhexeeyay labada waddan xiriir xooggan, waxaana garwaaqsaneeynaa oon ku faraxsannahay taageerada joogtada ah ee dawladda Kenya ay siiso Soomaaliya. Labada dawladood waa in ay ka sii wada shaqeeyaan dadaalka aan ugu jirno inaan dalalkeenna ka nabad-galinno khatarta argagixisada.”ayuu yiri.




Dhacdo fool




Dhawaaqa ka soo baxay Reysal-wasaaraha ayaa ku soo aaday xili ay maalmihii la soo dhaafay Bilayska Kenya waxyeelo u geysteen Gabadh Uur leh oo soomaaliyeed,taasoo iyadoo ka cararaysa  ka soo dhacday dabaqa saddexaad ee guri fooq ah oo ku yaalla magaaladda Nairobi.




Dhacdadan ayaa argagax badan abuurtay.




Gabadhan oo lagu magacaabo Nadiifo Cabdi ayaa doonaysay inay meel Koone ah kaga dhuumato ciidankii raafayey balse si lama filaan ah ayey uga duushay fooqii, waxaana soo gaadhay dhaawac.




"Dabaqa saddexaad ayaa saarneyn, waxaa albaabka noosoo garaacay askarta, xilli saq dhexe ah oo aan hurudnay, albaabka ayaa eegnay waxaa arkay inay ciidammo yihiin, gabadh ila jiiftay ayaa kasoo kiciyay, albaabka fur ayaa idhi, anigana daaqada ayaa istaagay oo aan isku qarinayay, markaas kaddib daaqadii ayaa ila dhacday," ayay tidhi Nadiifo oo ka hadlaysay siday wax u dhaceen.




Xabiibo Xasan Cumar oo habaryar u ah Nadiifo ayaa ku tilmaamtay arrin murugo iyo naxdin leh, waxayna iyadoo ooyaysa sheegtay in dhibaato ay tahay in qof xaamilo ah ay habeen saq dhexe kasoo dhacdo dabaq saddexaad.




Dhaqtarka la tacaalaya xaaladda caafimaad ee Nadiifo ayaa sheegay in dhabarka ay jug kasoo gaadhay, isla markaana ilmaha uurka ku jiro aanay waxba gaadhin, ayna fiican yihiin markii ay baadhitaan ku sameeyeen.




"Markii baadhitaan lagu sameeyay laf-dhabarta ayaa jug ka gaadhay, daawooyin xanuun baabi'iye ah ayaa siinay sawirna waa la saaray, uur afar bilood ah ayay leedahay; ilmaha waxba ma gaadhin," ayuu yidhi dhakhtarka dadweynaha Nadiifo.




Cabsi sii kordhaysa




Wali cabsida Soomaalida Kenya ku nool ayaa sii kordhaysa, gaar ahaan kuwa sharciga haysa.




Bilayska iyo dadka Sawaaxiliga ah ayaa wali sii wada bartilmaameedsiga dadka Soomaalida ah, iyagoo aan inta badan u kala aabbo yeelayn ka sharciga haysta iyo ka kale.