Monday, April 28, 2014

Waxay Ila tahay inay laba bus ku gudbeen goolkooda” Rodgers


Guuldaradii tababare Mourinho ku gaadh siiyey Liverpool garoonkooda Anfeild ee 2-0 ka ahayd, waxay dhinaca kale yaab iyo amakaag ku reebtay tababare Brendan Rodgers oo ku sifeeyey difaaca Chelsea inuu la mid ahaa laba bus oo lagu hor baarkin gareeyey goolka ee ay dhaafi lahaayeen haddii hal Bus uun lagu dayn lahaa.




Tababaraha Liverpool waxay maskaxdiisu qaadi weyday qaab difaaceedkii uu soo dhisay ninka uu hore uga hoos shaqayn jiray ee Mourinho, oo kooxdiisu Anfeild ku soo bandhigtay dicaaf ay ku adkaatay dhamaan ciyaaryahanada kooxda dharka casi inay u dhaafaan dhinaca shabaqa.




“Waxaan hambalyo u dirayaa Chelsea, waxay ku guulaysteen ciyaarta, waanay nagu adkaatay inaan burburino difaacooda.” ayuu yidhi Tababare Rodgers.




 




liverpool vs chelsea




“Waxay cufeen xaga dambe si aad ah, waxaanay ila tahay inay laba baabuur oo nooca bus-ka loo yaqaano ah dhigeen, bus kali ahi waxba ma ahee.




Tababaraha Liverpool 1“Waxay ahayd sidii lix difaac ah oo ay taageerayaan 3 ciyaaryahan oo khadka dhexe ahi. taas oo ah 10 qof iyo goolwadihii oo 90 kii daqiiqaba difaaca aan ka dhaqaaqayn.




“Xataa haddii aanay dhallin lahayn goolkii koowaad , qorshahaba uguma jirin inay soo baxaan. oo ciyaarta ku guulaystaan, waanad arkayseen wakhti lumin bay u socdeen.”




Tababare Rodgers sidoo kale wuxuu eedeeyey tababare Mourinho iyo hanaanka ciyaartiisa. waxaanu yidhi.”Uma malaynayo inay qaab ciyaareed tahay ‘tactics’, Qof kastaa wuu weydiinayaa kooxdii dib u fadhiisataa ee dhamaanteen difaac gasha ee ilaalisa uun shabaqa.




“Waa habka ay had iyo jeer u ciyaarto Chelsea, waxay haystaan ciyaaryahno aad u heer sareeya , laakiin hadana difaac uun bay ku ciyaaraan. waxaanay diirada saaraan kaliya inay weerarka dheer hal mar sameeyaan ama khalad dhacay uun ka faa’iidaystaan.”




“Aad baan uga niyad jabnay goolkaas, waa uun mid kamid ah dhacdooyinka, Wax eed ah kuma laha Steve, Waxaan u sheegay, inuu kooxdan laf dhabar u yahay, qaybta ugu weyna kulahaa inaan soo gaadhno halka aanu maanta joogno.’