Saturday, April 26, 2014

TACSI MADAXWEYNE - 25/04/2014 ...... IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdi Jaamac Xayd oo ku geeriyooday 25/04/2014, Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayaashii iyo Ganacsatadii Reer Hargeysa qayb weyna ka soo qaatay nabadayntii iyo dhismaha wadanka.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.