Sunday, April 27, 2014

Qassab Maaha Jacaylku!!!!Xamse Cumar ku-joog


Waa wiil dhalinyaro ah.. waa bulshaawi asxaab badan.. waa halaasi sheeko macaan




hamzeGoobtu waa magaalo dadkeedu kooban yahay hase ahaatee bulshada ku nool intooda badan way is yaqaanaan.. wuu asxaab jecel yahay saaxiib usoo kordha mooyee saaxiib kama lumo




Wuxuu igu yidhi isagoo saaxiibkii ka sheekaynaya:




“Waxaanu asxaab ahayn muddoo aad u dheer.. waan qaddarin jiray waan ixtiraami jiray.. soomali ayaa hore u tidhi carrab iyo labadiisa daan ayaa isugu dhaw oo iyaguna way is qaniinaane mararka aan wax isku khilaafno waxaan jeclaan jiray inaan anigu dusha u rito si aanan isaga u waayin




Dhibkuse wuxuu ka dhacay isagu iima oga .. ima qaddariyo.. ima ixtiraamo.. waxa intaa ii dheer canaan iyo maag iyo cadho joogto ah.. aniga iyo neef adhi ah oo tuulada ku nooli hadaanu is qabanno neefka adhiga ah ayuu iisoo raacaa qaladkana aniga ayuu i saaraa waanan u dulqaadan jiray




Waxay sidaa ahaataba maalinbaan nin meel ka hadlayay waxaan ka faaiday Saaxiibadu waa saddex nooc




 




1.       Mid sida cuntada ah oo waqti kasta aad u baahan tahay




 




2.       Mid sida dawada ah oo waqtiyada qaarkood uun aad u baahan tahay




 




3.       Mid cudur ah oo Ilaahay ayaabad ka magan gashaa




 




Anigoo aad uga xun saaxiibkay wuxuu ku biiray qaybtan u danbaysa oo waxaan ogaaday inaanan u baahnayn.. anigoo ay aad iigu adagtay inaanu kala soconnaa ayaan haddana goaansaday inaanu kala dhaqaajino oo aan ku idhi:




“Qassab maaha jacaylkuye Waa hadaad qasdidaa




Qaddar dhacay ka hadal male




Qiimayntu aadmiga qofna hada lamay dhalan




Saaxiibtinimadii dhexdiiniyo naf wada qaybsigeenii




Haddaad adba qubayso qof qaaliya waa la waayaa




Qudhayduna samirkay taqaanaa”




Sheeko intii saaxiibkay ii sheegayay aan aad uga qiirooday




Ilaahoow asxaabta is jecel isu dhawr




Mahad allah ayaa iska leh