Tuesday, April 29, 2014

Soomaaliya oo Bangiga Horumarinta Afrika "weydiisatay Kaalmo"


Somalia kal7Tunis(GNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika H.E. Donald Kaberuka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Bankigaasi.




Kulanka ayaa looga dooday dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta ee Bankiga ugu talagalay dalka Soomaaliya oo aan helin kaalmadii uu kaga baahnaa Bankigaasi mudadii qaran burburka iyo colaadaha ay ka jireen dalka .




Kulankani oo uu sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya H.E. Hussein Abdi Halane iyo saraakiil kale oo wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa lagu falan-qeeyay fududeynta deeqaha maaliyadeed iyo fulinta mashaariic kala duwan .




Waxaanna sida la sheegay uu qeyb ka ahaa dedaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso Xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya hey’adaha maaliyadeed ee heer gobol iyo heer caalami ,iyadoo lagu muujiyay qorshayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ay ku doonayaan inay fursado maalgeshi.




Dib u dhis iyo horumarin uga suuragelin lahaayeen dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya dagaalo sokeeye oo burburiyay nidaamka dowladnimo, deganaansha ammaan, dhismayaasha hey’adaha Xukuumiga, nolosha Siyaasadda iyo maamulka.




Codsiga DFSSomalia




Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika inay taageeraan hey’adaha maaliyadda dowladda oo uu ku jiro Bankiga Dhexe , si loogu saldhigo nidaam maaliyadeed oo sugan.




Somaliland




Bangigan ayaa dhawaan shaaciyay inuu Dawladda Soomaaliya soo marinayo lacag uu kaga qayb qaadanayo mashruuca Tiro-koobka Medeniga ah ee Somaliland.




Somaliland ayaa ku gacan saydhay in lacagtaasi loo soo mariyo DFS.




Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire ayaa tilmaamay inaanay Somaliland qaadan doonin lacag loo soo mariyo meel kale.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com