Tuesday, April 29, 2014

Somalia: Boqolaal kun oo qof oo ku dhibaateysan Deegaamo go’doon ah


Xukuumadda iyo kuwa ka shaqeeya Samo-falka oo walaac ka muujiyay xaalada amniga..




godaxMuqdisho(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab, sababo amni daro iyo go'doon awgeed.




Goodax oo ka hadlayay warbixin ka jeedinayey fadhigii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta oo isaga iyo Masuuliyiinta amaanka iyo arrimaha gudaha dawladda u qaabilsan ayaa sheegay in deegaanada qaar biyo la’aan ka jirto.




"Sababo ammaan dartood ayaa gar gaar lagu gaarsiin la'yahay meelaha laga saaray Al-Shabaab, meelaha qaar waa go'doonsan yihiin sida ogtihiin"ayuu yiri Mr Goodax.




 




Wasiirka ayaa sheegay inay hayaan raashin ku filan oo loogu tala galay in si gar gaar bani'aadanimo ahaan loo gaarsiiyo, hase ahaatee waxaa uu xusay in aanay awoodin in deegaanadaas ay gar gaar gaarsiiyaan.




 




"meelaha qaar waxaa ka jira biyo la'aan, dadka waxaa soo wajahay abaar, dowladda raashin ku filan ayay heysaa, balse waa adag tahay in meelaha qaar gar gaarka la gaarsiiyo"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre.




 




Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Xukuumada Soomaaliya iyo Hey'adaha sama falka ay ka hadli doonaan qaabka ugu dhaqsiyaha badan ee gargaar loo geyn lahaa degmooyinka laga saaray Shabaab.




Waxa uu intaasi raaciyay inay dhinacyada dawladda iyo Hay’addaha gargaarku ka fikirayaan qaabka ugu fudud ee deenaadaasi taakulo loo gaarsiin karo.




Dhinaca kale, xoogaga al-shabaab ayaa sheegay inay go’doomiyeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Ceel-buur.




Ceel-buur ayaa ka mid ah Degmooyinka dhawaan Al-shabaab laga qabsaday ee ay Xaalada bino’aadantinimo hada ka taagantahay.




Al-shabaab ayaa weeraro ku soo qaaday Xoogaga AMISOM ee halkaasi ku sugan.




Dadka ka shaqeeya samo-falka ayaa walaac weyn ka muujinaya xaalada ay ku suganyihiin dadka ka baro-kacay deegaamada Dagaallada laga qabsaday Shabaab.




Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa arrimaha kaga mashquulsan dhibaatooyinka lagu hayo mawaadiniinteeda Kenya soo tarxiilayso.




Waxaana taasi caddeynaysa Masuuliyiinta ugu saraysa dawladda oo aan inta badan arrintan si qoto dheer uga hadal.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com