Monday, April 28, 2014

Masar oo 700 oo ruux Dil lagu xukumay


Hogaamiyaha Ikhwaanu Muslimiin Maxamed Baddeec ayaa ku jira dadka la xukumay…




Xukun dil ah ayaa lagu xukumay Dad gaaraya 700 oo ruux oo ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin.




Dadkaasi waxa ka mid ah hoggaamiyaha ururkaas Maxamad Badiic.




Eedaysanayaasha ayaa loo haystaa in ay dileen askari boolis ah intii ay socdeen rabshadaha bishii Agoosto waddankaasi ka dhacay.




. Xukunkaasi ayaa kiciyay dhaleecayn ballaaran oo caalami ah.




Xukunka dilka ah ayey maxkamadu shaacisay bishii Maarso ee la soo dhaafay, kaddib markii ay dhageysiga dacwada socotay muddo saacad ah.




Qareenadii difaacayay eedaysanayaasha ayaa loo diiday in ay maxkamadda soo galaan, sidoo kalena looma akhrin eedaha loo haystay dadka la xukumay.




Kiiska ayaa loo gudbiyay muftiga ugu sarreeya ee Masar - oo ah mid ka mid ah madaxda diinta ee dalkaasi - balse argatidiisa ku aadan go'aanka maxkamadda ayaanan aheyn mid wax baddeli karto.




Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa beeniyay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen rabshado dalkaas ka dhacay kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.




Balse mas'uuliyiinta dowladda Masar ayaa ururka ku eedeynaya rabshadaha dalka ka dilaacay tan iyo markii militeriga uu talada ka wareejiyay Mursi.




Maamulka ku meel-gaarka ah ayaa Argagixiso u aqoonsaday Ururkaasi.




Qul-qulatooyinka lagu diidanyahay ridista Musri  ayaa wali ka sii socda dalkaasi.




Ururrada Islaamiga ah ee Mucaaridka ayaa dalbanaya in la soo celiyo hay’adihii Sharciga ahaa ee dadku soo doortay, sida madaxweyne Mursi.