Sunday, April 27, 2014

Somaliland: Taliye Xiirane Jawaab cad kamuu bixin falkii ka dhacay Jeelka Hargeysa.dhegeyso


Hargeysa(GNA)-Taliyaha Ciidanak Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane ayaa si kooban uga hadlay  markii ugu horaysay, isku day todobaadkii hore koox Maxaabiis ah ay kaga fakadeen Jeelka Dhexe ee Hargeysa.




Afar Maxbuus inta la xaqiijiyay, ayaa Xabsiga  dhexe ee Hargeysa dibada uga baxay Axadii todobaadkii hore, ka dib markii iska hor-imaad dhex maray askarta oo ay Rasaas ku fureen.




Ciidamada ilaalada Xabsiga oo Kaashanaya, Bilayska gaarka u tababaran iyo dadka shacbiga ah ayaa ku guulaystay in gacan lagu soo dhigo ragaasi oo u kala xidhnaa Argagaxiso iyo Budhcad baddeed.




Sareeye guuto Xiirane ayaan sabab cad u yeelayn sida uu falkaasi u dhacay, waxaana jira shaki badan oo laga qabo inuu ahaa mid qorsheysan.




Taliyaha ayaa qiray inay Baastoolad ciidanka ku rideen Nimanka Maxaabiista ahi, laakiinse tacliiq lagu qanco kamuu bixin qaabka Baastooladdu u gashay xabsiga iyo talaabada ay qaadeen ilaa hada talis ahaan.




Warbixin kooban oo uu xalay siiyay Telefishanka Dawladda, ayaa waxa uu ku sheegay inaanu falkani waxba u dhimayn hawl-gudashada Ciidanka Asluubta ee Jeelasha Ilaaliya, laakiinse taasi dello uma noqonayso falkan oo dhacay xili lama filaan ah.




Sidoo kale wuxuu sheegay inay horumarin ku samaynayaan aqoonta Ciidanka oo la barayo habka loola dhaqmo Maxaabiista iyo in maxaabiista laftooda waxbarasho joogto ah looga furayo Xabsiga dhexdiisa.




Inkasta oo Taliyuhu carabka ku dhuftay inay jiraan baadhitaano wali socdaa, hadana tafaasiil ku filan bulshada kamuu bixin nooca baadhitaankaasi iyo cida lagu hayo.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xiirane.mp3"][/audio]