Tuesday, April 29, 2014

Muuse Biixi oo loo Caleemo saaray Hogaamiyaha rasmiga ah ee Kulmiye.Daawo


Wasiir Samaale oo bogaadiyay…




 “Afar sanno oo ku-meel gaadh ah, kaddib wuxuu noqday Guddoomiye ku fadhiistay Kursi la feentay” hoos ka daawo Khudbadiisii Maanta + Warbixin




Shirweynaha kulmiye1Hargeysa(GNA)-Todoba xubnood oo hogaamin doona Xisbiga talada haya ee Kulmiye Shanta sanadood ee soo socda ayaa Maanta Guddoomiye looga dhigay Muuse Biixi Cabdi oo afar sanaddood xilka ku meel-gaadh u hayay, waana hogaamiyaha sharciga ah ee xisbigaasi hada laga bilaabo.




Sidaa waxa lagu xaqiijiyay shirweyne laba maalmood socday oo ay ka soo qayb-galeen in ka badan Kun Ergay oo Beel-beel u kala fadhiistay Kuraasta Madasha shirka.




Muuse Biixi Cabdi ayaa jaran-jaro dheer u soo maray Kursiga, waxaana kula loolamay rag badan oo aanay Madasha Shirka isla soo gaadhin, balse dibada lagaga reebay.




Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa muddo dheer kula hirdamayay xilkan, kaasoo doonayay inuu shirweynahan kula loomi si uu uga  tuuro Muuse isagoon wali shaarubaha gelin dheefta mansabkan ama isagaga lagaga guulaysto.




Hase yeeshee dhexdhexaadiyeyaal siyaasaddeed oo Guurtidu horseed ka tahay ayaa horaantii sanadkan, ku taliyay inaan Muuse iyo ku-xigeenadiisa toona lagula tartamin Kuraasta ay fadhiyaan.




Wasiir Samaale ayaa si aan sabab cad lahayn, lidna ku ah xaragadda siyaasadda , geedi socodka dimuquraadiyadda loogu qanciyey inuu ka tanaasulo hankiisa,waanu aqbalay.




Kursiga Guddoomiyaha




Waxa Kursiga loogu ansixiyay Axdigii ku meel-gaadhka loogu wareejiyay sanadkii 2010-ka, kaasoo laga soo unkay Heshiisyo hore oo aan fur-furnayn.




Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa kursiga ku wareejiyay muddo yar ka dib markii uu ku guulaystay hogaaminta waddanka, taasoo u ahayd talaabo uu hore uga soo qaaday mansabkiisii hore.




Noqoshadiisa  Guddoomiyaha rasmiga ah ee Kulmiye, ugama dhigna inuu gaadhay himilada iyo ujeeddada dhabta ah ee uu doonayo inuu u sii maro,taasoo ah hogaaminta waddanka, sababtoo ay tahay wali ma kala cadda Musharaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga ee shanta sanadood ee soo socda.




Balse waxa uu awood buuxda u yeeshay maamulka Xisbiga Afarta sanadood dalka hogaaminayay, dhaliilo badan ku mutaystay xukunka.




Jaan-goynta siyaasadda iyo qorshe kasta oo xisbigu mar kale ku heli karo madaxtinimada ayaa gacantiisa ku soconaya,waxaana meesha ka baxaya gacan tuugaaleyntii maamul ee dhanka Madaxtooyada kaga socotay intii uu Kursiga ku meel gaadhka ku ahaa.




Muuse Biixi




 muusesMuuse Biixi Cabdi waa Nin ka mid ah Halgameyaashii SNM.




Waxa uu siyaasadda ku soo jiray tan iyo markii dalka lagu soo noqday.




laakiinse maaha siyaasi fur-furnaan dabeeci ah iyo dulqaad badan looga bartay.




Inkasta oo uu tobankii sanadood ee ugu dambeeyay kasbaday waayo aragnimo siyaasaddeed oo Mucaarid iyo mucaafidba ah, hadana siyaasigan malaha soo jiidasho bulsho ama taageero shacbi.




Maaha hogaamiye leh xidhiidh diblomaasiyaddeed oo caalami ah, waxaanu wax ku soo bartay dalka Ruushka xiligii Milaterigu xulumayay Soomaaliya.




Isagoo ka hadlayay Xafladii Maanta lagu caleemo saaray, waxa uu sheegay inay dad badan oo xisbiga ku jiraa kaga wanaagsanaayeen hogaaminta Xisbiga.




Wuxuu si kooban uga mahad naqay doorashada iyo sida loogu haneeyay Manaasiibta isaga iyo saaxiibadiisa kale.




Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=GBx91sIFDrA


Samaale oo Bogaadiyay




Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa bogaadiyay Hogaanka maanta Kulmiye loo caleemo saaray.




Wasiir Samaale oo khubadda uu maanta ka jeediyay gunaanaddka Shirweynihii saddexadd ee Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in Masuuliyadda Qofku qaado ay tahay mid uu waajibaadd ka saran yahay inuu si daacaddnimo ku dheehan-tahay uga soo baxo




 “ILAAHAY-baa mahadd leh kulankan inoo suura-galiyey, waxbadan oo wanaaga oo Dalkeena iyo Dadkeena-ba ILAAHAYOOW waanu kaga Mahad-celinee e noo Siyaadi Walaalayaal Munasibad qaaliya ayaa aynu joognaa Shirweynihii Saddexaadd ee Xisbiga KULMIYE oo run-ahaantii Muddo soo jiitamay waxaa ILAAHAY mahadii ah in Shalay iyo Maanta-ba u si Sharaf iyo Qiimaba leh uu uga socdo Hoolkan Qiimaha badan leh ee Hotel Maansoor” ayuu yidhi.




Wasiirka Maaliyaddu Cabdicasiis Samaalle. Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Waxaa ILAAHAY mahadiiya in haddii ay Baqddini ay jirtay ama uu wel-weli uu jiray Qabsomida Shirweynaha KULMIYE Shirweynihiisu inay Baqddintii iyo wel-wekii-ba ay inaga baxday oo si Habsami ah oo Qiimo le hay inoog socoto intii ugu muhiimsanayd aynu hada kuna Faatixaynay Alxamdulilaah, Hogaanka cusub ee aynu Dooranay waxaa aynu ILAAHAY uga baryeynaa in uu wanaaga waafajiyo in ILAAHAY uu hawsha uu u fudaydiyo oo uu Xilka u Sahlo”




 Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Runtii Masuuliyadd oo dhami waa ay u Culustahay marka uu Qofku Daacad noqdo, marka Qofku uu ILAAHAY la kaashado ee uu Samadda uu ku xidhmo Xilka ILAAHAY waa uu u Fuddaynayaa, haddii-se uu Qofku u arko Xilka iyo Masuuliyada uu hayo Raganimo, Karti iyo Aqoon uu leeyahay in uu ku wado-meel kuma gaadho”.




Musharax madaxweyne




Wali ma kala cadda in Madaxweyne Siilaanyo Fasaxayo ku  tartamida  musharaxa madaxweynaha marka la gaadho shirka Golaha dhexe ee Xisbiga oo lagu dooran doono labada qof ee Doorashada soo socota iska sharaxaya Kulmiye.




Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu wali baaqi ku sii ahaanayaan taasi.




Hadiise ay wax iska bedelaan saadaasha iminka la hayo, waxa cad inaan Muuse Biixi isku helayn guddoomiyaha Xisbiga oo uu banaan ka qaatay iyo Mushaharaxa Madaxweynaha oo lagula tartami waayo.




Waxa khasab ah in dhamaan raga Hanka siyaasaddeed ku jiro ee Xisbigu jagadaasi kula hirdami doonaan, waa hadii Madaxweyne Siilaanyo tanaasul bixiyo.




Tani waxay caddeynaysaa inuu wali waajahayo Tartan siyaasaddeed oo kala dhexeeya rag ka taageero iyo dhaqaale badan, balse aan xeelad badan lahayn.




Waxa ka mid ah ragaasi Wasiir Samaale oo isagu mar kale calaamadsaday halkaasi (Musharax madaxweyne), wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali iyo ashkhaas kale oo badan.




FG: Fadlan Aragtidaada ka dhiibo Doorashada Hogaanka Kulmiye ,kuna soo dir aragtidaada emailada hoos ku qoran ama bogga soo dir maqaal ee Website-keenan




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com




editor@gobanimonews.com / gobanimo2013@gmail.com / Gobanimo News Agency/Facebook.com/ aba Boga Twitterka GNA.Twitter.com