Tuesday, April 29, 2014

Ukraine: Maayir Magaalo oo la toogtay


Maayirka Magaalada Khirkiv ee dalka Ukraine ayaa la soo gaadhsiiyay dhaawac culus, kaddib markii Xafiiskiisa lagu weeraray.




Magaalada Khirkiv  ayaa taageersan Ruush-ka.




Xafiiska Duqa magaalada ayaa sheegay in Genadiy Kernes uu galay labo saacadood oo qaliin ah kaddib markii ay dhabarka ka toogteen rag hubaysan oo aan lagaranayn.




Maamulaha isbitaalka dabiibaya ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay la tacaalayaan isla markaasna ay dhibaato soo gaadhay qaar ka mid ah xubnihiisa.




Maayirka la dhaawacay waxay isku siyaasad ahaayeen madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Ukraine Viktor Yanukovych.




Mar sii horraysay rag hubaysan oo Ruush-ka taabacsan ayaa qabsaday dhismayaal dawladdu leedahay oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada bariga ku taalla ee Kostayantaynivka.




Dhacdadaasi waxaa ay timid iyadoo ay weli socoto isku daygii lagu sii daynayay 12-kii kormeere oo shan kamid ah ay Ukraine u dhasheen, kuwaas oo ay haystaan dadka Ruushka taageersan.




Ukraine ayaa u muuqata meel ay ku hirdamayaan Waddamada adduunka ugu tunka weyn oo Ruushka iyo Maraykanku ka mid yihiin.




Gobolka Crimea ee Ukraine, ayaa ku biiray Ruushka.




Reer Galbeedka ayaa si adag ilaa hadda uga soo horjeeda talaabadaasi.




Maraykanka ayaa Khamiistii hore ku hanjabay inay cunnoqabateyn dheeraad ah ku soo rogayaan Moscow.




Moscow ayaa dhinac isaga leexisay eedeymaha uga imanaya Reer Galbeedka iyo Maraykanka.