Monday, April 28, 2014

Maxaa laga fili karaa Shirweynaha kulmiye?


Maalinta Berri ah waxa la filayaa inuu ka furmo Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, shirweynaha Saddexaad ee xisbiga Talada haya ee Kulmiye "Somaliland".
Shirkaasi waxa ka qayb-gelayaa in ka badan 1150 Ergay oo nidaam qabali ah lagu soo xulay.
Shirkan ayaa tiro saddex jeer oo hore dib u dhacay, Caawana wali Ergooyinka looma qaybin Kaadhadhkii Marti qaadka.
Shirkan ayaa kaga duwan kuwii hore xisbigu u qabsaday.
laba arimood oo kala ah.
1- ma jiro wax tartan ah oo ka dhacaya ama cid ku tartamaysa Mansabyada xisbiga, sida hogaanka iyo musharixiinta Madaxweynaha.
2-qodobka labaad ayaa ah ergada shirka ka qayb-gelaysaa ayaa ah tiradii ugu badnayd.
amaanka Madasha Shirku ka dhacayo ayaa caawa aad loo adkeeyay.
Dadka Dhaliila siyaasadda Xisbiga iyo waaeelka qaarkii ayaa ku tilmaamay inuu shirbeeleed dhinac ka Metelo, dhanna Dimuquraadiyada iyo Nidaamka Asxaabta ay baalmarsantahay habka uu u dhacayo.
hadaba maxaa laga fili karaa shirkaasi, marka la eego habka wax u socdaan, lana bar bar dhigo Shirarkii hore ee xisbigu qabsaday?
Ma noqon doonaa mid natiijo siyaasaddeed oo xisbigu ku sii haysan karo Taageerayaal ku filan ka soo baxdo.
Fadlan aragtidaada ka dhiibo
Email: editor@gobaimonews.com