Monday, April 28, 2014

Caaqilka Beesha Madaxweyne Siilaanyo oo Caddeeyay inay Mucaaridka ku biirayaan!


“Xaqayagii markaanu xukuumadda ka waynay ayaanu go’aankan qaadanay..”Caaqil Khadar




Siilaanyo iyo yaabBurco(GNA)-Caaqil Khadar Xasan Nuur oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Aadan Madoobe oo uu kasoo Jeeddo Madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed Maxamud ayaa Jawaab ka bixyayay bayaan ay soo saareen qaar ka mid ah Odoyaasha iyo wax garadka beesha aadan madoobe oo ay ku sheegeen inaanu jrin wada hadal dhex maray Xisbiga Wadani iyo Beeshaasi, kaddib markii dhawr maalmood ka hor arrintaasi la xaqiijiyay balse qayb ka mid ah beeshu beenisay.




Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen beeshaasi inaanay Mucaaridka ku biirayn ee ay xisbi xaakimka ka tirsanyihiin.Picture 001




Laakiinse Caaqilka ayaa sheegay inay wada hadal u socdo Xisbiga wadani oo ay ku biiri doonaan.




“Anigoo ah Caaqil Khadar Xasan Nuur  anigaa qoray Bayaankii hore ee beesha ka soo baxay,iminkan waxaan cadaynayaa anagaa galayna Xisbiga wadani ka dib markii xaqayagii aanu ka waynay  xukuumadan hada jirta xisbina hadalkii daa”.




Beel ahaan waxaanu go’aan sanay inaanu wadani galno,wada hadalku markuu noo dhamaado ayaa la arki donaa,xaflaadaana cadayn doonta”.




, Caaqilku isagoo hadalkiissii sii wata wuxuu ydhi''ninkii xiniinyo leh ee is hortaagayaa ayaanu arki doonaa,kuwa leh caaqil ma jiro ama maahana,caaqil nimadayda waan cadaynayaa oo waxaan ku cadaynayaa sharcigayga  cidii u baahata,majooratigii reerka cidanwadata waa la arki doonaa xafladaa lagu arki doonaa,reerku afar caaqil buuleeyahay,jiifkii halkan buu jogaa,Mid kalena yurub buu ku maqanyahay,caaqlkalena wuu xanuunsanayaa,dadka ay qorteen way ku been abuurteen,wiigan baanu ku rajo waynahay inay wax waliba ku cadaan karaan,reerkuna wuu shirayaa,shirka reerkaana wixii musharax baarlamaan ahi ku kala cadaanayaan oo beeshu isku raacaysaa,koox iyo aniguna ma bixinkaro,cida xumaha iyo burburka ku wadaa ha joojiso reerka”.ayuu caaqilku hadalkiisi kaga baxay.




Hadalka ka soo yeedhay Caaqilka ayaa xaasaasiyad siyaasaddeed ku abuuraya Kalsoonida Madaxweynuhu beeshiisa ka haysto, taasoo ay horeba u jireen dad badan oo saluugsan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office