Saturday, April 26, 2014

Wada Hadal u Socda Beesha Uu ka Soo Jeedo Madaxwaynaha S/land iyo Xisbiga Mucaradka ah Ee Waddani

Waxa Maalmihii u Danbeyayba Wada-Hadal Magalada Hargaysa Ee Casimadda S/land Uga Socday Beesha Uu ka soo Jeedo Madaxwaynaha Somaliland Aden Madoobe iyo Madaxda Xisbiga Mucaradka ah Ee Waddani.
Wada-Hadalkani Labada Garab Uga Socda Magaalada Hargaysa ayaa la Shegay inuu Socday Maalmihii u Danbeyayba isla Markaasna Lagu Lafo-Gurayay Sidii ay Guud ahaanba Beesha Uu ka Soo Jeeddo Madaxwaynuhu ay si Toosa Ugu Biirayaan Xisbiga Mucaradka ah Waddani.
Mid ka Mid ah odayaasha iyagu Budh Tuurka u ahaa Wadahadalkaasi isla Markaasna Horkacayay Beesha Aden Madoobe ayaa Mar Uu nala soo xidhiidhay Waxa Uu ka Gaab-Saday in la Shaaciyo Magaciisa.
Waxaanu Shegay inuu Wada-Hadalkani ka Danbeyay ka Dib Markii ay Beeshaasi Gabi ahaanba ay Xukumadda Axmed Silanyo ay ka Wayeen Waxyabihi ay Xaqa u Lahayeen.sidoo
Sidoo Kale odaygani Waxa Uu Shegay inay Rajo Wayn ka Qabaan inay Dhawaan Beeshu si Toosa Ugu Biiri-Doonto Xisbiga Wadani.