Wednesday, April 30, 2014

Arda Turan : Atletico waxa ka go’an Inay Finel ka CL u gudubto


Arda Turan ayaa ku nuux nuuxsaday in kooxdiisa Atletico Madrid ay wali rumaysan tahay inay madaxooda mijo ka yeelaan Chelsea kulanka Stamford Bridge, una gudbaan ciyaarta dhamaadka ee horyaalka Yurub (the final of the Champions League).




Naadiga lagu naanayso The Rojiblancos ayay Chelsea ku qabatay barbardhac 0-0 ah ciyaartii la joogay garoonkoda Vicente Calderon khamiistii aynu soo dhaafnay, natjiiadaas oo fursad fiican u ah ciyaaryahanada Jose Mourinho inay u dhow yihiin safarka bisha dambe ee magaalada Lisbon oo ciyaarta Finel ku ka dhici doonto.




Xaal siduu doono ha ahaadee, Arda ayaa sheegay in dagaalku yahay wali mid furan , oo aan guushu raacin wali dhinacna , ciyaarta habeen dambe ee go’aankana ay Atletico haysato fursad ka qaalisan ta Chelsea waa siduu u yidhiye. “[0-0] laftiisu waa guul ee maaha guuldaro; hadduunbuu bilow yahay dagaalku,” ayuu yidhi laacibka qaranka Turkey oo la hadlayay wakaalada wararka ee Andadolu News Agency.




“Weynu arki doonaa. Waxaanu nahay koox kubad walba ku dagaalanta; daqiiqad kastoo ciyaarta kamid ah.




“Waxaanu ku kalsoonahay awoodayada, kooxdayada. Waxaanu god walba ka baadhi doonaa riyadayadu waxay tahay si kastoo ay noqotoba iyo meel kastoo aanu ku jirno si aanu uga dhabayno. Taageerayaasha Atletico wey og yihiin inaanu u hurno wax kasta oo aanu ka kasban karno garoonka dhexdiisa ka hor intaan laga dareerin – guul ama guuldaro. Waxaanu aaminsanahay inaanu u baxayno Finelka.”