Saturday, April 26, 2014

Salaada roob doonta oo saaka laga tukuday dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.


DSC08008Hargeisa(GNA) waxa saaka laga tukaday dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland salada roobdoonta ee uu maddaxwaynaha Somaliland ku dhawaaqay todobaadkii la soo dhaafay in gabi ahaanba laga tukado dalka Somaliland , si looga ducaysto abaaraha iyo roob yaraan soo food saartay deegano badan oo ka tirsan dalka
Hadaba waxa si balaadhan uga soo qayb galeen dhamaan shacabka reer Somaliland munaasibadan salaadan roobdoonta laysugu soo baxay dhamaan masaajidada waawayn iyo goobaha lagu tukado salaadaha ciida, iyadoo culimada masaajidaduna halkaas ka soo jeediyeen khudbado ku saabsan faaidada iyo muhiimada ay leedahay in salada roob doonta la tukado .




berbera




Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Saaka Saalada Roob doonta La Tukaday Dadweynaha Reer Berbera Oo isugu Soo Baxay Barxada Lagu Tukado Salaada Cida.




 waxaana Madaxweynaha halkaasi ku wehelinayay Masuuliyiinta Badhasaabka gobolka Saxil, Maayarka Berbera iyo Maareeyaha Dekeda Berbera ENg Cali Xoor Xoor iyo Xubno la socday Madaxweynaha Oo uu Kamid yahay Taliyayaasha Ciidanka Policeka iyo Xeebaha ee Somaliland , Xoghayaha gaar ah ee Madaxweynaha, iyo Maareeyaha Tvga Qaranka iyo Xubno kale.




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalilamd Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Halkaasi kala Hadlay Dadweynaha Reer Berbera ayaa illaahay ka baryay in roob degdeg ah inoo shubo waxaanu hoosta ka xariiqay in bulshada somaliland ay tahay bulsho xoolo dhaqato iyo beeralay ah oo baahi weyn u qabto roobka waxaanu halkaasi ugu duceeyey dadka reer somaliland oo dhan isagoo illaahay ka rajeeyey roob kheyr badan oo bilaa dhib ah.




Sidoo kalena Culimada Magaalada Berbera ayaa halkaasi kasoo jeediyey khudbado diini ah oo ay kaga hadlayeen in lasasaamaxo iyo ilaahay loo toobadkeeno culimadaasi oo ay kamid ahaayeen Sheekh Saleebaan Sacid Cali iyo Sheekh Muuse Abyan oo ka waramay doorka diinteena ee in la tukado salaada Roob doonta ah ee illaahay lagaga baryayo roobka iyo naxariistiisa maadaama dalka abaaro ka jiraan.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa dadka reer Berbera slaan gacan haadis ah ku dhexmaray markii laga baxay salaada waxaanay siweyn usoo dhaweeyeen madaxweynaha oo mudo sedex maalmood socdaal shakhsi ah ku jooga magaalada berbera halkaasi oo uu maalintii shalay dadka reer berbera la tukaday slaadii jimcaha.




Gobanimonews




Berbera  Office




editor@gobanimonews.com