Tuesday, April 29, 2014

Maxamed Salebaan Weyne: waa ayaan daro in Kulmiye Sharciga ku tunto”


Hargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Wershadaha Somaliland Maxamed Saleban Weyne ayaa mar kale laba maalmood guddahood dhaliilay hanaanka Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye u qabsaday shirweynuhiisa.




Maxamed Saleebaan weyne ayaa wasiir ka ahaa xukuumaddihii Daahir Rayaale in muddo ah.




War qoraal ah oo uu soo saaray Maanta ayuu ku qeexay sababaha uu ku dhaliilayo shirka Kulmiye.




“Somaliland waxay gobonimadeedii ka luntay 1960kula soo noqotay halgan hubaysan oo qadhaadh oo naf iyo maalba loo huray. Markii lahantay gobanimada ee lagu dhaqaaqay himiladii umadda iyo dhismaha qaran taaba gala oo saldhig looga dhigay AXDI QARAMEED beelaysan loogu talagalay mudo kooban.




Wuxuu axdi qarameedku ku mudeysnaa in looga gudbo habdhaqan Dawlednimo oo casri ah oo dimuqaraadiya oo leh dastuur iyo sharuuc ku saleysan Diinta Islamka dhaqanka umadda iyo sharciyada Aduunweynaha, looguna tartamo habka Xisbiyada badan iyo hanaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa u hanaqaaday hanaankii Dawlednimo ee ku salaysnaa himilada umada intii aan xusbiga Kulmiye talada la wareegin.




 Waxa nasiibdaro ah in xisbiga Kulmiye bilaabay ku tumashada shuruucdii iyo dastuurkii dalka dibna u bilaabay habdhaqan Dawlednimo oo beelaysan kana fog dimuquraadiyada iyo hanaankii xusbiyada badan iyo dooroshooyinka xorta ah.




 Waxa nadin iyo anfariir lahaa masuuliyiintii ka hadleysay shirweynihii xusbiga kulmiye ee kadhawaajinayey hab dhaqan dimuqaraadinimo  iyo hanaanka dawlednimo iyagoo og inay sibadheedha ugu tunteen meeshana keeneen:-




1. Habdhaqanka xulista ergooyinka shirka oo beelaysan.




2. In aanay jirin cidla dooranayo iyo cid waxa doorankartaaba.




3. In hogaanka xisbiga Kulmiye u afduubnaado koox.




4. In cidii hungureysa hogaanka xibiga loo aqoonsade fidma wade Dimuquraadiyad diida.




IN ERGOOYINKA HABEELEEDKA LAGU SOO XULEY SI JOOGTO AH SACAB IYO MASHXARAD UGU TAAGEERAAN HANAANKA DEMOCRACY KUMIYE STYLE.       




Mohamed Suleiman (WEYNE)




Wasiirkii hore ee Warshadaha.