Sunday, April 6, 2014

Kulmiye oo hambalyo u diray Halgameyaashii SNM 6 April


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xuska sannad-guurada 33-aad ka soo wareegtay aasaaskii ururka SNM oo ku beegnayd 6-dii bishii April sannadkii 1981-kii.




Guddoomiyuhu waxa uu ku hambalyeynayaa mujaahidiintii, hooyooyinka iyo agoomaha SNM sidii ay uga midho-dhaliyeen ujeeddadii loo aasaasay ururka, waxaannu Alle uga rajeeyey in intii nool sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, inta xannuunsanaysana caafimaad uu siiyo, isagoo Ilaahay baryey mujaahidiintii ku shahiiday xorrayntii dalkana inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.




ALLA MAHAD LEH




Xasan Siciid Yuusuf




Xoghayha guud ee Xisbiga KULMIYE