Saturday, April 5, 2014

Haddii Mawaadinnimo la waayo, umaddana waa la waayay!


Hadii Mawaadinnimo la waayo, umaddana waa la waayay!




By: Xamse Siciid Kuuriye




Marka laga hadlayo Muwaadinimo waa waxa ugu muhiimsan ee Shaqsi u hayn karo wadankiisa.




 Muwaadinimadu waxay ka bilaabmataa In Ilmaha lagu soo barbaariyo yaraantiisa oo la baro ahmiyada uu dalkiisa iyo Dadkiisaba u leeyahay iyo sidii u u ilaashan lahaa wadankiisa waxna ugu qaban lahaa ama ugu soo kordhin lahaa Umadiisa.




Muwadnimadu maaha wax dhayal ah ama se ciyaar gala, balse waa dareen raaca dhiigga kaas oo uu qofku noqdo mid ku kalsoon lexe jeclana u leh wadankiisa iyo Umadiisaba, yaqaanana xaqa uu ku leeyahay wadankiisa iyo dadkiisa iyo xaqa ay ku leeyihiin dadkiisa iyo Dalkiisuba.




 Waxa ugu horeeya ee la dhiso marka la rabo Dawladnimo waa Ummadda, Umada hadaan la dhisin Wax Dawladnimo ah oo jiraya ama hana qaadaya ma jiro waayo Ummadu waa seeska Dawladnimada. Haddaba Muwaadnimadu waa meesha ugu horaysa ama barta ay ka bilaabmato dhisida Ummadu marka laga yimaado Xaga diinta, taasi maanta waxaad moodaa inay ku yar tahay Shacabkeena Dhexdiisa oo ay meeshii ka baxdayba Muwaadinimadii iyo lexejecladii loo lahaa wadanka, oo aad moodaba inaanay dadkan wadanka ku nool ee u dhashay wax lexo jeclo ah oo ay wadanka ka leeyihiin inaanu jirin gaar ahaan marka la eego Dhalinyarada.




 Taasina maaha khalad ay leeyihiin ee waa khalad ka yimid xaga Maamulka sababtoo ah Ilmaha yari marka uu Barbaaro waxa ugu horeeya ee lagu barbaariyaa waa inay noqotaa Diintiisa markaa waxaan odhan karaa waxa labaad ee lagu barbaariyaana waa inuu noqdo Muwaadinimada, oo ilmaha yar la geliya lexejeclada Dalkiisa iyo dadkiisaba laakiin markaad eegto dalkeena Ilmaha yar marka la geeyo goob Waxbarasho ee uu arki waayaba wax ka hadlaya Dalkiisii iyo Dadkiisiiba way adagtahay inuu dareemo Dalkiisa iyo Dadkiisaba siiyana xaqa ay ku lahaayeen ama se uu ilaashado wadankiisa.




Laakiin Manhajka loo dhigo ardayda ha noqoto Dugsi Hoose ama se Dugsi Dhexe ama sare ama heer Jaamcadeed kuma jirto haba yaraate wax alaale iyo wax ka hadlaya Muwaadinimada iyo sidoo kale taariikhda Wadankeena taas oo ay u dheertahay in loo dhigo casharo ka hadlaya wadamo kale iyo ummado kale. Markaa waxaan odhan karaa sidee ayuu u dareemi karaa ama se u u garan karaa Qofka Dhalinyarada ah ee ku soo Barbaaray Xaaladaha waxbarasho ee kala duwan ee aanay ku jirin wax ka hadalaya wadankiisa ama Dadkiisa?.




Waxa kale oo aan odhan karaa waxa ka qayb qaatay inay Dhalinyaradu ka baxaan oo ka boqoolaan Wadankooda waxaanay fahmin ama se wax ka garanayn oo ka maqan Qaybtii Muwaadinimo ee uu xaqa u lahaa inuu barto ama se la fahansiiyo taas oo aanu helin cid u sharaxda ama se fahansiisa.




Waayo qof garanaya xaqa uu ku leeyahay wadankiisa ama se isaga uu ku leeyahay wadankiisu way adagtahay inuu ka baxo ama ka tahriibo dalkiisa Hadaba Akhriste makula tahay in Muwaadinimadu tahay waxa ugu badan ee Dhalinyaradeena ka maqan?.




 Jawaabta su’aashaas waxaan uga tagay Akhristaha. Hadaan in yar is barbardhigo farqiga u dhexeeya Dhaqan Iyo Muwaadinimo.




Ummad kasta oo Caalamka ka mid ahi waxay leedahay Dhaqan u gaar ah oo ay kaga duwan yihiin Dadka kale taas oo ay adagtahay in laga duwo ama se laga leexiyo dhaqankaas ay leedahay umadaasi, waana wax ay kaga soocan yihiin oo ay isku gartaan ama se lagu garto marka qofkaas la arko cid uu yahay, waxaanay Dawladaha Horumaray ka dhisaan Qofka marka uu yaryahay Dhaqanka ay Umadaasi leedahay Iyo Muwaadinimada.




 Waxaan wada ognahay in haddii la waayo Dhaqan ay meeshaas ka baxdo ama se ka bixi karto hab dhaqanka Umadaasi dhalan rogna ku dhacayo waana wax waajib ah in la ilaaliyo laakiin shayga ka sii muhiimsan Dhaqanku waa Muwaadinimada oo hadii dhaqan la waayo Ummad lama waayayo se haddii la waayo Muwaadnimo waxa la waayaya Ummadaas iyo Dalkaas Dhamaantii, waxaana fudud in gacan ku hayntooda dad kale oo ajaanib ahi la wareegaan.




Waayo Muwaadnimo waa waxa ku dareensiinaya inaad ka xigto Umadaha kale wadankaaga ku leedanahayna Aduunyada meel kuu gaar ah iyo Dad kuu gaar ah kuguna dhiiri galiya inaad difaacato dalka iyo dadkaba hadii uu duulaan ku imaado se laakiin hadaanay wax muwaadnimo ah ku jirin jidhkaaga runtii ma difaaci kartid cadawna kama dhicin kartid wadankaaga waayo waa waxa kaliya ee ku siin kara dhiiri galin iyo hididiilo.




Dhinaca kalena markaan eegno waa waxa kuu saamaxay ama se kugu khasbaya inaad horumariso dalkaaga si daacad ahna ugu shaqayso, markaan eego ama se fikir ahaantayda saadaaliyo mustaqbalka haddii Dalkeenu sidan ku socdo ama se Dhalinyaradeena la bari waayo waxay tahay Muwaadnimo waxaa dhici doonta in Umadeenaba laga qaado dhulka oo ay is badasho kuna noqoto dulsaar Umado kale waayo waxaaba tusaale kuu ah Wadanka la yidhaahdo Falastiin ee Imikana laysku haysto murankuna ka jiro kuna haystaan Yuhuudu waxa sida taariikhda ku cad la sheegay in ay iska lahaayeen Falastiniyiintu se laakiin ay Yuhuudu dulsaar ku noqotay mid kasta oo ka mid ahna laga iibasaday gurigii uu daganaa markii danbana laga dhaxlayba Wadankoodii ilaa waqtigaa laga bilaabo waxa dhacday in muran ku jiro laguna haysto qaybna laga qaaday falastiniyiinta wadankoodii.




Fikir ahaantayda waxaan odhan karaa waxa kaliya ee ka maqnayd falastiniyiintu ee ay waqtigaa hilmaansanaayeen waxay ahayd Muwaadnimada oo ka maqnayd taas oo keentayba dhibaatada waayo haday muwaandinimo kugu jirto suurto gal maaha qof ajaanib ah ka iibi gurigaaga ama dhulkaaga. Waxaan maanta ku aragnaa Indhaheena Kumanaan Dhalinyaradii oo ah ubaxii iyo cuduudii u soo baxaysay Dalka oo ka baxaya kana tahriibaya iyaga oo ka door biday dalkoodii iyo Noloshoodii Xoorta ahayd inay ku noolaadaan Dal shisheeye iyaga oo qoxoonti ah.




Se laakiin aanay darensanayn macnaha ay ugu fadhiyaan Dalkooda iyo Dadkoodaba. Muwaadnimo waa waxa keena inuu qof u fikiro wadankiisa sidii uu u gaadhsiin lahaa meel sarre una horseedi lahaa Horumar.




Hadaba waxa taas ka sii daran in badan oo jooga Wadanka kuna nool oo ah Dhalinyaro inaanay ogaynba xaqa ay ku leeyihiin Wadankooda iyagana uu ku leeyahay taas oo sababi karta inay intaa hadhayna ka baxaan kana haajiraan wadanka taas oo hadaan waxba laga qaban ay dhaxli doonaan Umado kale waayo waxaad arkaysaa Kun dhalinyaro ah markay baxaan inay soo galayaan Kun ajaanib ah oo dhalinyaro ah oo ka soo galaya wadankeena xagaas iyo Ethiopia iyaga oo inoo soo galaya hab ah inay dawarsadaan ama se u soo shaqo tagaan taas oo hadhow dhici karta inay dhaxlaanba wadanka oo uu hunguri ka galo markay arkaan xoogii dalka oo ah dhalinyarada oo nacay dalkoodii ugana haajiraya wadamo kale.




Waxaaba waxaas oo dhan ka daran arimahan jira oo aanay la socon dad badani ahna boog inoo qarsoon oo ina soo ridan doonta hadaan halkeeda lagu dawayn imika inta la baraarugo shicib iyo Dawladba.




Ra’yi ahaantayda waxaan odhan karaa oo aan soo jeedinaya laba talo oo midi ku socoto Shicibka Midna ku socoto Madaxda dalka ka masuulka ah.




Talada shacabka Waxaan odhan lahaa waxaynu nahay dadka iska leh ee Illaahay ku abuuray Dhaxalsiiyayna Dalkan (Somaliland) oo ah Dal aad iyo aad u qaaliya oo haday Umadaha qaar heli lahaayeena noqon lahaayeen dadka ugu sareeya Caalamka kana faa’iidaysan lahaayeen Khayraadkiisa kala duwan ee dabiiciga ah hadaba Dadkaygoow inaynu odhano uun “waxaan ahay Somalilander” maaha wax macna wayn ku fadhiya se laakiin aynu ficil ku darno oo aynu wax u qabsano iskeen wadankana ilaashano haday noqoto Amni ahaan iyo haday noqoto daryeel ahaanba oo aynu lexe jeclo u yeelano Dalkeena una hanwaynaano kana ilaalino hagardaamada oo ay ta ugu wayni tahay inaynu ka boqoolno oo aynu dad inala mid ah dhulkoodii ugu tagno oo aynu qoxoonti ka door bidno Nolosheenii xorta ahayd inagoo Alle ina badin inaynu ka qaxno Dalkeena.




TaladaMadaxda Dalka Waxaan kula talin lahaa dhamaan Madaxda dalka ka masuulka ah inay ku daraan manhajka Casharo ka hadlaya Muwaadinimada Iyo Taariikhda Umadeena iyo Dalkeena Dugsiyada Hoose Dhexe ilaa sarre si uu qofkii dhalinyarada ahaa isaga oo ku soo barbaaray muwaanimo Dalkiisiina wax ka garanay uu u galo jaamacad taas oo ardayga ka caawinyasa inuu u fikiro oo uu dareemo waxa Dadkiisa iyo Dalkiisu u baahanyihiin mooraalkiisa maskax ahaaneedna u ahaan lahaa mid dhisan.




Sidoo kalena ay sameeyaan barnaamijyo loo qabanayo dhalinyarada oo lagu dhiiri galinayo laguna barayo muhiimada ay u leeyihiin dalkooda iyo dadkooda taas oo ka caawinaysa inay noqdaan Hogaamiyayaal u daacadada Dalkooda Dadkoodana u shaqeeya ee aan ka shaqaysan. Qore Hamze Siciid Kuuriya Hargeisa Somaliland.




Xabse Siciid Kuuriya




 Xamzesiciid@gmail.com