Sunday, April 6, 2014

HAANI GUNTAY KA TOLANTAA‏.


Sida aynu wada ogsoonahay aduunyada waxaa la isku dhaafaa waa waxa loo yaqaano hore u mar wadan kastana waxaa lagu ixtiraamaa is lamarkaana uu qayrkii ku dhaafaa waa hadba inta uu hore u marka haysto iyo inta uu leegyahay hore u marka uu gaadhay.

waxyaabaha hore u markasta oo aduunyada lagu faano aasaaska u ihina waa waxa loo yaqaano ( HUMAN RESOURCE) ama dad shaqeeya oo dhalinyaro ah isla markaana xirfadlayaal ah ahna shaqaalaha dhexe kuwaasi oo door muhiim ah ka qaadan kara hore u marka wadan gaadho waayo waa mishiinka wareejinaaya hore u socodka ay umadi hiigsanayso.

tusaale ahaan wadan ka jaban oo ahaa wadamadii dagaaladii lagu magacaabay kuwa aduunka lagu tijaabshay hubka wax gumaada ee loo yaqaano (NUCLEAR WEAPON) wax yeelo aad u fara badana waa soo gaadhsiiyey markii dagaaladii dhamadeen ee laga soo doogay




  




dagaaladaasi waxaa ay ka fikireen inay hore u mar gaadhaan waxaa ay meel marsheen qorshe ah ama dhahaaya waa inaan helaa dad aqoon leh oo qayra caadi ah ama aad u fara badan isla markaana ku takhasusay dhamaan jaanibaadka ama dhinacyada kala gadisan ee nolosha ha ugu badnaato qaybta loo yaqaano ( ENGINEERING) taasi oo dabcan door laxaad badan ka ciyaartay waxsoosaarka wadan ka hada ama wakhtigan xaadirka ah ee aan joogno waxay noqdeen wadanka aduunka ugu wax soo saarka badan uguna suuqgaynta badan waxsoosaarkiisa waxaa laga helaa shayga ugu qiimaha jaban iyo kan aduunka ugu qaalisan uguna tayada badan.

waxaa kale oo uu noqday mid ka mid ah wadamaa ugu awooda badan ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba taasina waxay u saamaxday inuu ka mid noqdo wadamada haysta awooda loo yaqaano ( POWER VITO) isla markaana lagu ixtiraamo loogana anbeeyo mawqifkeeda arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha iyo waliba marka wadamada reer galbeedku qaybsanayaan wadama ay rabaan inay danohooda dhaqaale saldhig uga helaan.

Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa inaga somaliland waxaan u baahanahay shaqaale dhexe oo xirfad layaal ah kuwaasi oo haysta aqoon wax soosaar si ay wadan ka hore u markisa uga sheqeeyan oo hadaan tusaale soo qaadano waxaan u baahanahay xrfadlayaal fara badan oo qalabkoodiina haysta oo loo diyaarshay waxanay kala yihiin kuwan hoos ku taxan.

1: waxaan ubahaanahay xirfadlayaal caafimaad oo kala duwan iskuguna jira nursing iyo lap tecnician aqoon sare wata oo caafimaadka dadka iyo duunyadaba  wax ka tara isla markaana loo diyaashay qalabkii iyo goobtii ay ku shaqayn lahaayeen maamul wacana loo yagleelo.


 




 




2: waxaan u baahanay engineers fara badan isla markaana aqoon heersare ah wata loona tababaray hawsha ay qabanayaan iyaguna waxay wax wayn ka tarin karaan waxsoosaarka wadan ka ee dhinaca warshadaha iyo dhismaha wadanka oo la qurxiyo caalamkana la tartami kara.




 




3: waxaa kale oo aan u baahanahay inaan helo aqoon yahano dhinaca beeraha ah oo si hagar beel ah wax uga tari kara kor u qaaka wax soo saar ee dhinaca beeraha iyo cuntada tani waa laf dhabarta umada waayo umadi waxay umad rasmi ah oo jira tahay markay dhulkeeda wax kala soo baxdo iskana ilawdo wax dibada looga soo waarido oo caafimaad ahaan iyo tayo ahaanba aad u liita cid soo baadhayna aanay jirin.




  



4: waxaa iyana aan u baahanahay dad dhaqaale yahano ah oo dhinaca kobcinta dhaqaalaha wax badan inaga tara isla markaana inoo sameeya qorshayaal dhaqaale oo umada wax loogu qabto.




 




Sidaa awgii waxaan leeyahay waar HAANI GUNTAY KA TOLANTAAYE aan helo shaqaale dhexe oo xirfadlayaal ah oo wadanka iyo umadaba wax tara kuwaasi oo ahmiyad wayn inoo leh taasina hirgalinteeda iyo siyaasadeedaba waxaa looga fadhiyaa xukumada iyo dhamaanba dadka damiirka leh ee reer soomaaliland.




 




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)