Monday, March 3, 2014

Xeer-ilaaliyaha Guud oo Xukuumadda ka difaacay Eeddeymaha Garsoorka


Xeer ilaaliyeHargeysa(GNA)-Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa ka hadlay eedaymaha kala duwan ee ay bahda garsoorka Somaliland u soo jeediyeen xukuumada.




Xeer ilaaliyaha ayaa xukuumadda ka difaacay Eeddeymaha loo jeediyay ee faro gelinta ah.




 “waxay ahayd in wixii sixitaan ah inay garsoorku u maraan dariiqooda sida fara gelintii ay kaga hadlayeen qoraalkii ay sheegeen inuu wasiirku u soo qoray, waxaana loo soo mari kari lahaa guddida cadaalada oo ay qoraal ahaan ugu soo qoraan fara gelinta ay sheegeen in wasiirkaasi ku sameeyey.




Guddoomiyaha maxkamada sare haddii loo soo qorana toos ayuu ula tagi lahaa wasiirka cadaalada ilaa madaxtooyada, sida ay doontana ha noqotee qaybahaas aan sheegay ayaa loo marayaa wixii sixitaan ah ee la doonayo in xukuumada lagu saxo.”ayuu yidhi isagoo la hadlay warbaahinta dawladda.




Xeer ilaaliyaha guud oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “xukuumada oo dhan fara gelin ay samayso  ama wasiiro ay sameeyaan ma hayno , horta waxaynu arkaynaa wasiirkan ay qoraalkiisa warbaahinta ku soo bandhigeen ee ay leeyihiin wuxuu yidhi dacwadaas joojiya marka gorsoorkeena laga hadlayana madax banaani buuxda ayuu haystaa.” Ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud.




Bahda Garsoorka somaliland ayaa si cad ugu eedeeyay xukuumadda inay faro gelin toos ah ku hayso shaqadooda.




Sidoo kale Garsoorku waxay ku cawdeen in dhaqaalaha Waaxda Garsoorka dalku uu yahay mid aan ku talo gal lahayn, isla markaana baahiyo badan oo dhaqaale iyo cururuqaysi dhinaca Xukuumadda kaga imanaya ay qabaan.