Sunday, March 30, 2014

Hal hoggaamiye lagu ogaan karo !!! (W/Q Xasan Maal)


 



hasan maalHoggaamintu waa udub dhexaadka horummarka. Waana lafdhabara jiritaanka siiyaalka mustaqbalka uumanaha.  Sida laga yaabo in laga wada warqabo bulsho waxay tanaadaa oo ay tisqaadaa marka hogaan sani tubta iyo toobiyaha toosan u jiheeyo.



 



Hoggaaminta  waa eray faciisa ama waynidiisa leh, adagtahay in la qeexo ama la asteeyo. Hoggaamiyuha sida Qaamuuska Af-soomaligu wuxu ku qeexay ama ku astaynay ‘’ dad hor kicid ama meel tusid’’.



Af- ahaan hadii haybtiisa erayga hoggaamin aynu u abtirino waa eray ku abtirsanaya erayga hoggaan, hoggaanku waa xadhigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xidho ee lagu wado. Halkaa waxan ka dhaansan karnaa in hoggaanku yahay shaqsi koobsaday masuuliyad, huwan ummad mustaqbal keed, koox iyo wlm, horkaca, u haga kob lagu tanaado.



 



Hoggaamita wanaagsani waa tub iyo toobiye toomoon, tusmo iyo tilmaan, tab iyo xeelad san isla jeerkaas ay tlimaameen ambiyadii Allah SWT, kuna hageen  kuna hoggaamiyeen. bulshada lagu hagaa waxa dhaba oo dhalanteed ka dheer in badhaadhaha ay dheefi doonto. Hanaankani wuxuu huwanyahay diimaha samawaaiga ah ee Allah SWT uu u soo dajiyay adoomihiisa kuna waajib yeelay inay ku dhaqmaan iskuna xugumaan. Inta hogaamiye cadli ah bulsho hagayo ka dheer dhiibaatooyinka dhabar jabka ku ah qof iyo qarnba.



Hoggaamiyaha wanaagsani waa shaqsi huwan masuuliyad ogsoona inuu xamil culus sido, il dheer saadaalin kara siiyaalka mustaqbal isagoo hareer marinaya hogaga iyo haadamaaha hadimooyinka ku ah inay bulsho hanaqaado, u haga himilo Dheer, oo hilinka toosan qaada, hantana horummar waara, habqanka iyo cadaalad xumadiisa ka leexiya. Ummada uu hagayona ku qora machadka taariikhda. Hoggaamiyaha wanaagsani waa waa kan koobsada wanaag oo dhan Qiyam, cadli, wanaag, run, daacad, aqoon, maamul wanaag.



 



Bulsho yahay yaa ku heeray ?



Waa weydiin kal sugan, sidoo kalena jawaab quman oo u qalanta leh. Bulsho waxay heerantaa marka hogaan aan hoggaaminta dirsooceeda haba yaraatee aan hadaafin Karin. Dr. Siciid Cali shire wuxu ku asteeyay buugiisa “Hoggaamiye isbadal horsed” “Ummad waxa gabalkeed dhacaa markay hilmaanto shalay, waayo muuqaalka maantu, shar iyo khayrba, waa tacabkii shalay. Hummaaga beritona, waa sii socodka Maanta . Way adagtahay in la oddorso helinka beri la qaadi doono iyadoon la garanayn sida halkan lagu soo gaadhay.”



Hoggaamiye xum waa qof xumaan oo dhan idlaysta, garsoor xumo, maamul xumo, musuqmaasuq, beenta iyo nifaaqa, qabyaalada, quudhsiga , qadaf iyo qallooc aan laga waayin hanaan kasta oo uu u suubiyo hogaamintiisa.



 



 



Haduu qaran ku doortoo



Dadku uu ku aamino



Ku yidhaa na daadihi



Dulmi laguma maamulo



-          Cabdishakuur Maxamed Xuseen (MEECAAD)



 



Dabcan waa hoggaamiye lagu hungoobay aan hanan Karin kalsoonida ummadi ay si hagaagsan ula handaafiso hawsha inta waqtigiisa u hadhsan. Inuu yahay hoggaamiye hawshiisu damac iyo hunguri tahay waa mid in uu hagaasiye yahay lagu aqoonsan karo.



 



Mar haduu hoggaamiye



Loo wada han waynaa



Haramaha latuuriyo



Huubaha lasaydhiyo



Hebelada cambaarta leh



Isasoo hareer tubo



Hunga iyo inuu yahay



Niman hawsha wadi Karin



Waa hal lagu ogaan karo



-          Xasab Daahir Ismaaciil (Weedhsan)



 



Ujeedada qormadi waxay si saamigal qumana isku barbar dhigaysaa laba hoggaamiye, Dabcan waa kaaf iyo kala dheeri, dhul iyo cir, buur iyo banan, runtiina Kun iyo kow mid waliba kaalintiisa joogo.
 



Garo masuuliyadaada



Hadii lahelo hoggaamin wanaagsan isla markaana hoggaamiye hanaankiisa iyo habsamidiisa ay heemsanayso horumar gidigii. Dabcan hadii lahelo hoggaamiye dawga toosan ku duwa dadkiisa laasim qaran dhanbuu qaab iyo qorshe u dhigi karaa. Wuxuu yidhi nabigeenii Maxamed CSW hanuunsama oo u hogaansama hoggmiyaashiina. In hoggaamiyuhu bulshadiisa cadaalad ku darwadaajiyo waa asaaska jiritaanka siiyaalka umadeed waana masuuliyad lagu waajib yeelay qofkasta oo isbida inuu hoggaamiye ummad u noqdo, in hir marka lagaadhoba hirkale u hilaadsho ummadiisa, koboca iyo korriinka qiyamka dadkiisa, hayeeshee si guud mara masuuliyada hoggaamiye saran waa tu mugweyn meelkastana taabanaysa.



 



 



Heerbaa lagaadhaa



Habhaybta reerkiyo



Hindisaha qabiilkaba



Hankuba kaaga dhaartoo



Himilada dan guudiyo



Dadka horumarkiisiyo



Hilan toosan raaciyo



Ifku waa habeenee



Halhays fiican reeb



Halgankuba kaa yahay



-           Xasab Daahir Ismaaciil (Weedhsan)



 



Gunaanad



Hoggaamintu kuma tarando madi, waxay ku tarantaa midnimo hoggaan iyo ummadiisba, waxaanan ku soo afmeerayaa yaan gobannimada lagu dumin garaadkeena. Qoraalkan waxaan u hibaynayaa inta aan hogaamiye hayb qabiil  aan ku qiimayn, ku qiimeeya inta uu qumaniyo hogaaminta dirsooceeda. Sidoo kale waxaan u hibaynayaa Hooyaday oon halganka nololeed had walba, heerwalba, hoodo iyo ayaanba, hore iyo dambeetaba hiil iyo hoo ila hareer taagan. Waxaan leeyahay “ hooyo inaad nuurkii aduunkiyo, nimciyo naxariist tahay, naq iyo neecaw udgoon tahay, marna ku iloobi maayee, naxariista eebiyo, ku waar janooyinkiisa.



 



 









Xasan Maal



Kampala, Uganda 



 



Gobonimo News 



Yacquub Shirbaaye