Thursday, March 27, 2014

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Somaliland Ku Eedeeyey Inay Taageerto Xarkada Alshabaab


Maamul Gobolleedka Puntland, ayaa si cad Somaliland ugu eedeeyay inay taageerto kooxda Al-shabaab, waxayna sheegtay in arrintaasi bulshada caalamku og-tahay ama la socoto, waxayna ku baaqeen in la cambaareeyo.




 




Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay saxaafadda Maamulkaasi, ayaa sheegay in hogaamiyaha Al-shabaab uu Hargeysa galo isla-markaana ka baxo marka uu doono, waxaanu intaasi ku daray in Magaalooyin Somaliland ka mid ah Al-shabaab lagu tababaro.




 




Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Burco iyo Beer ayaa lagu tababaraa (Al-shabaab), ninka la yidhaahdo Godane way cadahay wuxuu galaa Hargaysa wuxuuna kaga baxaa baabuurta waa wayn, waan la soconaa Galgala waxay keeneen toddobaadyadii u dambeeyay dad badan, waa markhaati ma doon, Al-shabaab aakhirka waxay ku dambayn doonaan Somaliland oo ay dili doonaan oo ay caqabad hor leh ku noqon doonaan, bulshada caalamkana waxaanu ka codsanaynaa in xeryahaa aanu sheegayno debagal dhab ah lagu sameeyo, dawlado badanna way ogyihiin oo waa laga wada hadlay, Nickalas Kay wuu ogyahay oo waa loo sheegaa..”




 




Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland, waxa kaleoo uu sheegay  “Waxaanu ognahay in maalmahan dambe ay ciidamada Somaliland sameeyaan dhaqdhaqaaq badan, waxay moodayaan inay wax qarsoomayaan, waxba ma qarsoomayaan oo meel kasta waxa maraya (Site lite), daansaansiga ay wadaana waa la arkaa, meesha ay ku soo socdaana iyagu way ogyihiin, taariikh ahaanna waala is-yaqaanaa, waxaanu qabnaa in laga waantoobo wixii isku dhac keeni kara iyo khatar, waxaanu leenahay joojiya Al-shabaabta aan buun-buuninaysaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Ummada Puntland-na waxaan leeyahay midnimo ayaynu kaga bixi karnaa culays iyo khatarta Al-shabaab innagu hayso iyo taageerada ay siinayso Somaliland…”




 




Madaxwayne ku xigeenka Puntland, waxa kale oo uu muujiyey in Puntland diyaar u tahay dagaal ay la gasho Somaliland “Nin yar iyo nin weyn Alle ayaa is-baday, hadday Al-shabaab taageero meelo badan ka haysato annagu naftayada ayaanu ku kalsoonahay oo AMISOM ayaanaan u baahnayn inaanu ku kicino, dadkayaga  iyo dalkayaga waanu ku filanahay, dadwaynaha reer Puntland-na waxaan leeyahay feejignaada….”ayuu yidhi