Saturday, March 29, 2014

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Si Kulul U Cambaareeyey Xadhiga Wariye Cabdilaahi Darwiish


Hargeysa(GNA) -Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID ayaa si kulul u canbaareeyey xadhiga wariye darwiish oo maanta lagu xidhay magaalada ceerigaabo.




warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay xafiiska warqabadka ramaasnews ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan




WAR SAXAAFADEED




Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 29/03/2014 uu War Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah isla Markaana Sharci Darada Ah ee loo geestey Wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish Isaga Oo Hawl Maalmeedkiisa Shaqo Ee Gobolka Sanaag Gudanayey Ayaa Ciidamada Booliska (police) Ee Gobolka Sanaag Xabsiga Dhigeen




 




Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaasha Madaxa Banaan Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarankani 22 Sanadood Ku Soo Caano Maaley Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Aynu Dhawreyney