Monday, March 31, 2014

Khilaaf mar kale laga soo wariyay Wasaaradda Warfaafinta.


Maareeyaha tv.ga qaranka Somaliland khaddar cali gaas ayaa sida ilo og ogaal ahi sheegayaan wuxuu dadaal ugu jiraa sidii mar sadexaad khilaaf uga dhex abuuri lahaa wasaaradda warfaafinta,isagoo si cadaalad daro ah u qortay dhalinyaro ay isku jifo yihiin kuwaasi oo uu shaqaale ka dhigtay.




arintan ayaa soo shaacbaxday kadib markii dhawaan ay booqasho kadis ah ay ku timid wasaaradda warfaafinta wasiirka wasaaradda waxbarashada marwo Samsam Cabdi Adan oo uu maareeyuhu had iyo jeer meel kasta ka sheego inay meesha ku hayso,waxayna dad badan oo arimaha maamulka ahi la yaabeen sheegashada maareeyaha tv.ga qaranka ee sheegaya in wasiirka waxbarashadu meesha ku hayso.




Khaddar Cali Gaas oo hore u ahaan jiray taksiile ka shaqeysta magaalada London ee dalka ingiriiska ayaa waxa uu shaqo yimid Somaliland markii la sheegay in uu shil ku galay dalka ingiriiska isla markaana laga qaaday liisankii wadida baabuurta,xukuumada siilaanyo ayaa waxa lagu eedeeyaa inay xilal sarsare u dhiibtay qurbajoog aan wax badan dalka kala socon isla markaana u badan kuwo marka horeba nolosha ka dhacay oo ninka laga qaaday liisankii wadida baabuurta oo hadana maanta maareeye ka ah tv.gii qaranka Somaliland waa arin layaab leh.




Mushkiladaha hada ugu waaweyn ee ka taagan tv.ga uu maareeyaha ka yahay ayaa ah in dhamaan shaqaalihii tv.gu  iyo maareeyaha laftigiisu aysan wax wada shaqayn ahi ka dhaxayn taasi oo keentay in hoos u dhac weyni ku yimaado wararkii iyo barnaamijyadii tv.ga qaranka,maareeyaha ayaa waxa uu noqday nin meesha u soo lacag doonta oo ku jira hanta urursi balaadhan,waxana la sheegay in maareeyaha tv.ga qaranku ku kacay urursiga lacago aad u fara badan kuwaasi oo jeebadiisa oo kaliya ku dhacda oo ilaa hada aysan jirin cid xisaabisa.




Hanta boob ka umada eexda,qabyaalada ayuu ku sifoobay maareeyaha tv.ga qaranku waana nin la degay sumcadii iyo karaamadii tv.ga qaranka,sidaasi daraadeed waxaa wanaasgan in xukuumada madaxweyne siilaanyo talaabo adag ka qaado maareeyahan la moodo inay madaxtooyada Somaliland ku daawanayso sumcada sii xumaanaysa ee tv.ga qaranka uu soo gaadhiiyey maareeyaha tv.ga qaranku.




By: Muna Maxamed Jaamac




Email:muna ladan11@gmail.com




Hargeysa/Somaliland