St. Paul 02-03-2014(GNA)-Gabadh Soomaaliyeed, ayaa ka mid noqotay Saraakiisha Bilayska ee M agaalada St. Paul ee Gobolka Minnesota ee Somalidu ku badantahay.
Khadra Maxamed ayaa noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee Derejada Ciidanka amniga ka Gobolka Minnesota heerkan ka gaadha.
Haweenaydan ayaa ka shaqeynaysay qaybta arrimaha bulshada ee booliiska St. Paul dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.
Khadra ayaa kasoo jeeddaa Soomaalida dalka Kenya ku nool, waxayna ka baxday dugsiga sare sannadkii 2010-kii.
“Rajadii aan muddo badan qabay ayaan maanta ii rumowday, waadna garan kartaan inaan dadaal badan u galay sidii ay riyadeydu ku rumoobi lahayd,” ayay Khadro ku sheegay hadal ay bixisay markii garaadaha sarkaalnimo loo xiray.
Bisha May ee sannadkan 2014-ka ayaa lagu wadaa inay ka qalin jabiso machadka barashada barista dambiyada iyo cadaaladda ee St. Paul, iyadoo howsheedu door weyn ka qaadan karto difaacida Soomaalida ku nool gobolkaas oo muddooyinkan ka dambe falal amni daro soo wajaheen.
Taliyaha booliiska St. Paul, Tom Smith ayaa sheegay inay rajeynayaan Khadro ay tusaale u noqoto haweenka kale ee Soomaaliyeed ee doonaya inay ka mid noqdaan booliiska magaaladaas.
Khadra Maxamed ayaa ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minneosta, gaar ahaan haweeka inay dadaal u galaan sidii ay darajoojin sar-sare uga gaari lahaayeen hay’adaha kala duwan ee gobolka.
Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ah gobolka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, waxaan dhawaan xilal sarsare ee gobolkaas loo doortay dhallinyaro Soomaaliyeed oo rag ah.