Saturday, March 29, 2014

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Taliyeyaasha Bilayska,Qaranka Iyo Nabadsugida Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Jabuut


Hargeysa(GNA) -Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa waxaa la filayaa in maanta uu safar ugu ambabaxo dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.




 




Ma Jiraan Warar Amuurtan Khuseeya oo ka soo baxay Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland balse  sida ay shabkada ramaasnews ay ka heshay ila wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa ay noo xaqiijiyeen in wasiirku uu doonaayo sidii uu kulamo gaar ah ula yeelan lahaa dhigiisa kale ee dalka jabuuti waxaana ay wararku tibaaxayaan in ay ka wada hadli doonaan madaxda sarsare ee dalkaasi  iskaashiga dhinaca  Amaanka xuduudaha labada dal oo hor ay uga balansnaayeen.




 




Dhinaca Kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan is safarka wasiirka uu ku wahelindoono Taliyaha Ciidmada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,waxaan labadan masuulba ay u kicitimayaan wadahdal dhinaca amaanka ah oo la soo yeelanayaan dalka jabuuti.