Thursday, March 27, 2014

Gabdho Reer Hindiya Ah Oo Somaliland U Yimi Inay Rag Ka Guursadaan Iyo Dareenka Hinaasaha Leh Ee Ka Dhashay


"Hablo badana cadho ayaa ka muuqatay mid la qabo iyo mid aan la qabinba. Laakiin. waa la waayay oo xattaa Huteelo lagu sheegay inay ku soo degeen oo Magaaladda ku yaala"




ind_2126182b




Hargaysa(GNA):-Gabdhaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee Somaliland, ayaa cadho ka muujiyey warar aan la xaqiijin oo sheegayay inay Boorama tageen Hablo u dhashay, isla markaana ka yimi dalka India oo guur-doon ah, kuwaasoo la sheegay inay doonayaan inay dalka Rag ka guursadaan.




Sida uu ku soo warramay Weriyaha Wargeyska Saxafi ee gobollada Awdal iyo Selel Maxamed Cumar Sheekh, sheekooyinka amuurtan la xidhiidha ayaa toddobaadkii hore la isla dhexmaray magaaladda Boorama. Kuwaasoo loo dhigay hanaan ka turjumaya dhaqanka Dalka Hindiya oo raga siiya gaba’ iyo hanti lagu doono, halkii ay ka ahayd in gabadha qoyskooda la siiyo yarad.




Sida lagu faafiyey Wargeyska Saxaafi caddadkiisii Salaasadii shalay oo bishan March ahayd 25, waxaa sheekooyinka magaalada Boorama ee la isla dhexmarayay sheegayeen in aanay haweenkan reer Hindiya oo tiradooda lagu sheegay 22 hablood, raga guursanaya ku xidhayn wax shuruud ah oo la xidhiidha dhaqaale. Hase ahaatee, arrintan ayaa markii danbe loo waayay xaqiiqo ahaan. Iyaddoo sheekaddu u muuqatay mid rag ujeedo ka lihi sameeyeen.




 




“Horta rag badan oo tahli karri waayay guurkan qaali-garoobay ee xoolaha badan ku kacaya ayaa ku farxay oo baadi-doon u galay haweenkan la sheegay inay guur doon yihiin oo ay Hindiya ka yimaadeen. Hablo badana cadho ayaa ka muuqatay mid la qabo iyo mid aan la qabinba. Laakiin. waa la waayay oo xattaa Huteelo lagu sheegay inay ku soo degeen oo Magaaladda ku yaala ayaa su’aashoodii wareerisay. Kuwaasoo ay u tagayeen Rag doonaya in ay arkaan iyo haween doonaya inay dilaan” Sidaas ayuu ku yidhi Wariyuhu warbixintiisa.




 Waxaana uu intaas ku daray oo uu yidhi. “Haweenka ama gabdhaha Boorama oo aan qaarkood  wax ka weydiiyay warkan siday u arkaan,ayaa ku jawaabay in hadii ay arkaan haweenkaasi ay magaalada ka saari doonaan, maadaama raggii guurkooda ku bixin lahaa dhaqaaluhu  ay haweenka Hindida ah ka heleyaan dhaqaale  iyaga dib loogu guursado, waanan raadinaynaa ayey tidhi gabadh la baatan jir ku dhaweyd oo ka mid ah gabdhaha magaalada.” Sidaas oo ay tahay lama arrag haweenkaasi meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waxaana uu warkaasi noqday mid aan jirin oo aan xattaa la heyn cidda hal-abuurtay. Balse lagu war helay uun isaga oo magaaladda dhexqaaday.