Tababaraha reer Talyaani ee leyliya kooxda Real Madrid Carlo Angelotti ayaa ka hadlay kulankii xalay kooxdiisa ay barabaro 2-2 ah la gashay kooxda ay xifaaltamaan ee Atletico Madrid.
Angelotti ayaa aaminsan in xidigaha Atletico Madrid ay ciyaareen ciyaar qalalaase ah isla markaana aysan ugu tala galin iney soo bandhigaan kubad ay ku raaxeystaan taageerayaasha labada dhinac.
Kooxda martida aheyd ayaa hogaanka ciyaarta qabatay bilowgii markii Karim Benzema uu shabaqa soo taabtay balse kubad sameeye Koke ayaa ciyaarta barbaro ka dhigay ka hor inta uusan Kabtan Gabi hogaanka u dhiibin kooxdii martida loo ahaa dhamaadkii qeybtii hore ciyaarta.
Dhanka kale Diego Simeone ayaa cadho xoog leh ka muujiyay markii garsoore Delgado uu ka indho qaraday qalad laga galay Diego Costa oo ku sugan xerada ganaaxa Sergio Ramos ayaana galay qaladkaas waxaase aakhirkii Real barbaro u keenay C. Ronaldo dhamaadkii ciyaarta.
Si Kastaba Angelotti ayaa ka hadlay kulankaanw wuxuuna yidhi:
“Atletico waxey isku dayeysay iney ciyaarto ciyaar fowdo ah, mana ahan qaabkeena” ayuu u sheegay suxufiyiinta, “Jawabteena kaliya waxey aheyd daganaan iyo kubad qurxoon wax kale maya”
“Wuxuu ahaa kulan adag, waan isku daynay inaan wax badan ciyaarno balse ma fududeen, balse qeybtii dambe ayaan soo bandhignay qaab fiican”
“Atletico wey ku adkaatay xaalada qeybtii dambe, waxeyna sameynayeen waqti lumis iyo iney ku war-wareegaan xariiqmaha garoonka, iyadoo taas ay usii dheer tahay ineyd daaleen”
Real Madrid ayaa kaliya haaatan 1-dhibic ka sareysa kooxda difaacaneysa horyaalka ee Barcelona oo iyana xalay ku qubeysatay Almeria sidoo kalana waxey 3-dhibcood ka sareysaa kooxda kaalinta sadexaad ee Atletico Madrid.