Friday, March 28, 2014

Oodweyne:Shir-dhaqameed lagu Xaliyay Dilal Aano ah oo Taliyihii Bilayska Xaaji saalax ku jiro


Dilkii Taliyaha Bilayska Xaaji Saalax iyo kuwo kale oo ka horeeyay oo Ardaayadda isu geystay lagu xukumay Mag iyo Ganaax lacageed (Jifo), xili dawladu gacan ku dhiigleyaashii u dambeeyay hayso




degmada x.salaxMulaaxo(GNA)-Shir lagu soo afjarayo Dilal aano ah oo soo noqnoqday ayaa lagu soo gabagabeeyay Deegaanka Mulaaxo oo ka tirsan Gobolka Daad-madheedh, kaasoo laga soo saaray go’aamo lagu xalinayo dilalkaasi, socdayna muddo 25 maalmood ah.




Shirkan oo ahaa mid dhaqan oo Guddi beeleed ka soo jeeda Galbeedka Burco ku xalinayeen  dilal uu kii ugu dambeeyay bil ka hor ka dhacay Degmada Xaaji-saalax ee Gobolkaasi, laguna dilay Taliyihii Bilayska Degmadaasi, ayaa Ergooyinka ka qayb-galay ka soo saareen qodobo lagu kala xukumay labada ardaa ee dilalku dhex mareen, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mida madaxdhaqameedkii ka qayb galay.




Labada Beelood oo ay dhex mareen saddex dil oo muddo kala dambeeyay, kuwaasoo laba ka mida dhinac loo geystay, midka kalena ardaaga kale ayaa Ergadu labada beeloodba ku xukumeen saddex Maggood oo laba dhinac qaadanayo, waxaana beel kasta lagu xukumay inay bixiso 120 Halaad (Geel) oo Mag ah.




Suldaan Maxamed Aadan Cabdilaahi oo ka mida Madaxdhaqameedka Gobolkaasi, ayaa Gobanimo u sheegay in Magta lagu xukumay labada dhinac, lagu bixinayo muddo laba bilood iyo shan iyo toban casho ah.




Sidoo kale Suldaanku waxa uu sheegay in mid ka mida labada Ardaa (Ba-dhulbahante), lagu xukumay lacag Ganaax ah oo qadarkeedu dhanyahay  soddon kun oo Dollar ($30,000), taasoo lagu qiimeeyay boqol iyo labaatan Milyan oo Shilinka Somaliland ah, taasoo ay muddo 15 Maalmooda ku bixinayso.




“Guddida Dhexdexaadinta labada beelood intii aanay ku dhawaaqin go’aamada Ardaa walba waxay uga yeedhay 15 Oday oo loo bandhigay, markaa waa lagu wada qancay, waxaanan rajeynaynaa inay arrintaasi halkaa ku soo gabagabowdo”.




Dilalka go’aamadan laga soo saaray ayaa kala ah Taliyihii Degmada Xaaji Saalax, Sarkaal hore loogu dilay Oodweyne iyo Nin Ganacsade ah oo isna muddo ka dambeeyay dilka sarkaalkaasi, iyadoo markii uu dilkii u dambeeyay dhacay si weyn  looga xumaaday, isla markaana Goleyaasha Dhaqanka iyo xukuumadduba ka wada hawl-galeen sidii loo soo afjari lahaa.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dawladda oo la xidhiidha go’aamadda Guddidu soo saartay ee xiisadaasi lagu soo afjarayo iyo mawqifka ay ka qaadan doonto, balse go’aamaddan ayaa soo baxay xili ay gacanta dawladda ku jiraan qaar ka mida eedeysanayaasha loo haysto Dilkii ugu dambeeyay ee Taliyaha Bilayska Xaaji saalax.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com