Thursday, March 27, 2014

MA XUKUUMAD BAA MISE WAA CIYAAL XAAFO?


  Waxa wax lala yaabo ah in kumuumad dhan oo ay ummadi waxqabad ka sugayso oo is dhex cararaysa oo kala hadlaysa




Waxa maalmihii u dambeeyay oo dhan magaalada Hargeysa iyo geyiga Somalilandba ka socotay sheeko ahayd in nin la yidhaa Dr. Mocow oo ah Doctor fadhigiisu yahay Ingiriiska uu dalka imanayo isla markaana uu baadhis caafimaad ka samayn doono mudooyin kooban.




Waxa kale oo ay dadku isla dhex marayeen hadalo ah in ninkan Doctorka ah loo goosanayo Ticket lacagtiisu dhan tahay $40 isla markaana ay is diiwaan geliyeen dad kumanaan gaadhaya, iyaga oo dadka intooda badani ay u arkayeen wax ummada lagu dhacayo oo xukuumadu aanay ogayn. Haddana waxa soo baxday in wasaaradda caafimaadku ay sheegtay inay cid u dirayso ninkan soo baadha arintan uu wato, waxa haddana soo baxday in wasaaraddu ay aqbashay kadib markay Tvyada ka hadleen xarunta ama cuspitalka soo casuumay iyaga oo sheegaya in ay xukuumada warqad ka haystaan gaar ahaan wasaarada caafimaadka.




Si kastaba ha ahaatee waxa maanta dhacday sida wararka aan ku arkay in Dr. Mocow oo shaqadii ku gudo jira isla markaana u shaqeenaya ummadii fara badnayd ee lacagta ku bixiyey aragtidiisa la xidho oo inta boolis la dul geeyay goobtii uu fadhiyey laga kaxaysto iyaga oo boolisku uu sito warqad amar ah isla markaana ay sheegeen in aanay wasaarada caafimaadka aanay ka helin wax fasax ah. Waa yaab oo waa yaabka yaabkiisa!!!




Markaasaad is odhanaysaa waar meeshu maamul ma jiro oo xukuumadeenii dhamayd waxa ay u dhaqmaysaa sida ciyaal xaafaha oo kale.




Haddii wax la joojinayo ama wax la fasaxayo talaabada la qaadaa waxay ku haboon tahay inta aanay waxaasi shaqadiisu hir galin, runtii lama odhan karo xukuumaddeenu sidan ay u shaqeynayso waa ka garasho balse waxa ay aamintay in ummadani aanay ahayn kuwo u bisil in ay la xisaabtamaan.




Dr. Mocow waaba uu yimid oo uu shaqo galay oo ummadeenuna lacag fara badan kaga baxday, markaa dadweynoow waxa aan idin su’aalay talaabadani maku haboontahay wakhtigan?




faro1




Haddii aan inyar ka faaloodo Dr. Mocow, runtii waa doctor aqoon leh oo ma aha sida doctoradan dalka iska imanaya een la garanayn meel ay ka yimaadeen, laakiin Dr.Mocow waxa uu ka shaqo gali jiray isbitaal ku yaal dalalka Yurubta sida Ingiriiska iyo Jarmalka oo uu wax ku bartay, markaa dalalkaa aan soo sheegay ma aha sida somaliland oo kale oo inta qof iska yimaado odhanaya doctor baan ahay oo dadkaan daweynayaa.




Gabogabadii waxaan odhan lahaa xukuumadani hadii ay dadkeeda wax u tarayso oo caafimaadkeeda daryeelayso oo masuuliyad ay iska saarayso marxalada dalka haatan uu marayo ee caafimaad ah wax haka qabato, hadii kalese hanaga deyso fataatiirahan ay nagu dul ciyaarayso




Wabilaahi tawfiiq




Mustafe Maxamed