Saturday, March 29, 2014

Qarax Ka Dhacay Marka + Dabley dishay turjumaan AMISOM iyo Ganacsade


Muqdisho(GNA)-Wararka naga soo gaaraya magaalada marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan Xaafada Ruusiyo ay ku dileen ruux Tarjubaan ahaa oo magaciisa aan la sheegin.




Ruuxa tarjubaanka ayaa la sheegay inuu la shaqeynayay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.




Kooxihii Tarjubaanka dilka u geystay ayaa la sheegay in sidoo kale magaalada ay ku dileen ruux ganacsado ahaa oo  joogay bartamaha magaalada Marko, sida dad goobjoogayaal ay sheegeen.




Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Marko ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay magaalada, kaasi oo lala eegtay ciidamada AMISOM ee magaalada ku sugan.




Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa qaraxaasi, iyadoo intaasi kadib goobta lagu daadiyay ciidamo badan oo dowlada Soomaaliya ka tirsan.