Saturday, March 29, 2014

Maayirka Gabiley oo lagu eeddeeyay Wariye xalay la weeraray oo Aabihiina la xidhay


Cabdiraxmaan Aadan MuxumedGabiley -(GNA)- Dhalinyaro ku hubaysan midiyo iyo bakaroorado oo uu adeegsanayo maayarka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa Xalay dhawr jeer weeraro gaadmo ah kusoo qaaday wariyaha shabakada Qodaal News ee gobolka Gabiley C/raxman Aadan Muxumed Badde kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo maayarka.




Wariyaha lasoo weeraray oo ka badbaaday ayaa noo sheegay in nimankaasi dhalinyarta ahi ay marka hore tilifoon kalasoo xidhiidheen una sheegeen inay doonayaan inay kala hadlayaan arin cusub oo maanta wariyaha iyo maayarka dhex martay. C/raxmaan mar aanu waydiinay inuu aqoonsaday nimanka maayarku usoo diray kuwa ay ahaayeen wajiyadooda wuxuu sheegay in inanka tilifoonka kalasoo hadlay la yidhaahdo Mubaarak oo maayarka adeer u yahay, halka kuwa kale ay dhawrka jeerba meel madaw u galayeen ee aanay wajigooda marna tusin wariyaha.




C/raxmaan Aadan Muxumed isagoo arintaasi faahfaahinaya ayaa waxaa uu yidhi “inanka tilifoonka igalasoo hadlay waan garanayaa oo waxaa la yidhaa Mubaarak, markastana wuxuu igu lahaa hawlbaan u baahanahay inaan kaala hadalno ee kaalay. Maalin sii horaysay oo maayarku ka cadhooday warbixin aan qoray ayuu inankan maanta ilasoo hadlayaa isoo garaacay.




Wuxuuna igu yidhi maayarka maxaa lagaa siiyaa ee aad u daba socotaa?. Kadib anakoo dhalinyartii wada joogna ayay maayarka tilifoon kala hadleen, waxaanay ku yidhaahdeen ninkii waanu haynaa. Wuxuu maayarku ku yidhi ii keena. Anakoo wada socona ayaanu hudheel uu ka cashaynayay ugu tagnay. Aniga iyo inanka Mubaarak ee uu adeerka u yahay ayaa u wada galnay.




Habeenkaasi wuxuu igu yidhi maayarku maxaa la iga kaa siiyaa. Aniguna waxaan ku idhi maayar maad aniga ii yeedhid maxaad dhalinyarada iigusoo diraysaa, hadaad warbixinta dhibsatayna maad isoo dacwaysid. Habeenkaasi maayarku wuxuu iigu jawaabay kuwan iyaka (dhalinyarada) adeerbaan u ahay ee iska ilaw.




Maantaan lacag aan ku lahaa waydiiyay oo aanu isku khilaafnay markaasuu caawana iisoo diray inamadii uu adeerka u ahaa ee habeenka horena iisoo diray. “ Dhalinyarada u dagaalanta maayarka Gabiley ayaa maalinba maalinta kasii danbaysa soo badanaysa, iyadoo maalin aan fogayn ooda laga qaaday dhalinyaro maayarku adeegsaday oo dhaawac soo gaadhsiiyay taliyaha saldhiga dhexe ee Gabiley iyo labbo askari oo ka mid ah askarta ka hawl gasha saldhiga Gabiley.




Taliyihii la dhaawacay ayaa shaqadii laga fadhiisiyay kadib markii maayarka Gabiley dhaqaale badan ku bixiyay sidii shaqada looga dhaadhicin lahaa isagoo kasoo weeray dhinaca taliska sare ee booliiska Somaliland. Maaha C/raxmaan Aadan Wariyihii ugu horeeyay ee ay weerar noocan oo kale ah kusoo qaadeen iyagoo hore usoo weeraray wariyaha telifishanka caalamiga ah ee Universal ugasoo warama Gabiley.




Dhaqamada cusub ee maayarka Gabiley kusoo kordhiyay magaalada Gabiley ayaa noqon doona kuwo loogu duugo bogiisa taariikhda ee maayarada soo maray Gabiley. Maayarka ayaa lagu xantaa inuu reer ahaan kusoo kala dhawaysto saxafiyiinta ka hawl gala gudaha magaalada Gabiley.




Dhinaca kale, warar gelinkii dambe ee Maanta Gobanimonews ka heshay Magaaladda Gabiley, ayaa sheegay in Wariye Cabdiraxmaan Badde uu Maayirku xidhay Aabihii oo ladqabo arrinta weerarka xalay la xidhiidha ugu tegay.




xubno ka mida Suxufiyiinta Gobolka ka hawl-gala ayaa sheegay in Wariyahaasi Aabihii lagu xidhay Saldhiga Arabsiyo, ka dib markii laga soo qaaday gabiley.




Xadhiga Wariyayaasha iyo Gaboodd falada kale ee gacan saarku ka mid yahay ayaa ah dhibaato labadii sanadood ee ugu dambeeyay sii kordhaysa, tan iyo werarkii habeenimada lagu qaaday xarunta Wargeyska Wali dawladda u xayiran ee Hubaal.