Monday, March 31, 2014

Dhiig baxa Qaadku inagu hayo!!!


Sida aynu ka wada dharagsanahay ama aynu wada ogsoonahay geedka loo yaqaano jaadku waxaa uu inagu hayaa fara baas isaga oo inaga galay dhinacyo muhiim u ah bulshadeena isla markaana inaga khasaarshay dhinacyo badan oo lama taabtaan inoogu qornaa sidaa awgeed ayaa waxaa mudan inaan wax ka taataabano dhinacyadaa aan soo sheegay waana kuwan:




1: Dhinaca kowaad ee uu qaadku inaga weeraray waxaa ka mid ah dhinaca dhaqaalaha oo uu si wayn inooga weeraray meel aad u kharibana inala maraayo waayo markaad eegto dhaqaalaha ama lacagta adag ee maalin iyo habeenba qulqulaysa wadada inaga iyo itoobiya ina xidhiidhisa kuna socota wadanka itoobiya yaab iyo amakaag ayaad u dhimanaysa waxaad is dhahaysa malaha umadani way sameeyaan lacagta intan leeg ee sida bilaa xisaabta ah iskaga socota wax inagaga so noqonayaana majiraan waayo waaban kaga gami lahayn haday itoobiya wax inaga qaadanayso oo tusaale ahaan haday kaluunka ama milixda inaga qaadato balse wax inagaga soo noqdaa ma jiraan cida dhiigbaxa dhaqaale  ku socdaa habeen iyo maalinba waa inaga nasiib daro mana ogin xasuuqa dhaqaale ee uu qaadku inagu hayo.




hadaan arintani fahamkeeda soo yara dhawayno waxaad arkaysaa nin ama wiil soo xamaashay oo laga yaabo inuu kuuli ka soo sheqeeyey isla markaana ay xaas iyo caruuri sugayaan waxaa uu soo qaatay sodonkun oo shilin soomaaliland ah isagoon dhinacaa iyo dhinacaa midna eegin ayuu jaad raadsanayaa waxaanu halkaasi ku cunayaa jaad lacag dhan labaatan kun waxaa u soo hadhay waa toban kun oo waliba laga jaray kharash halkaa markaad eegto waxaad arkaysa xaaskii oo aan waxba u soo hadhin wiilkan oo tacab khasaaray iyo lacagtiisii oo aanu garan karahayn meeshay martay iyo halkay ku danbaysay halkaasana waxaa laga yaabaa inuu khilaaf ka dhasho u dhexeeya qoyska iyana waa midh habaar ah.




2: Dhinaca caafimaadka ayaa iyana waxaa uu si wayn wax u yeelaa ama dhibaateeyaa caafimaadka qof ka cuna taasina wax cadayn ah inoogama baahna waayo waxaad suuqyada magaalada ku aragtaan dad fara badan oo waalwaalan kuwaasi oo maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaaya markaad si wayn ugu kuur gashana waxaad ogaanaysaa in jaadku sababo waalida xad dhaafka ah ee inagu soo badanaysa waxaa kale iyana uu sahlaa cuduro fara badan oo wakhtigan xaadirka ah soo badanaysa oo ay kamid yihiin   faalijka iyo dhiigkar ka  macaanka wadana xanuunka iyo kuwa kale oo fara badan dhamaan xanuunaani waxaa aabo iyo hooyo u ah oo sababa dhamaan cuduradan.




 




3:  Dhinaca waxaa uu inaga weeraray   xaga akhlaaqda waayo waxaa uu kow ka yahay dhaqan xumada iyo nidaam darada sidaa awgeed ayaa waxaa arkaysaa bulshadeenii oo shax guurtay dhinaca dhaqakana ka dhimatay markaad is barbardhigto sidii aynu waayadii hore ahaan jirnay iyo sida aynu hada nahay waa laba arimood oo kala fog dhinac aynu u soconana lama garanaayo lamana fahmaayo cid aan nahay waayo dhaqankeenii soomaaliyeed waan ka tagnay kuwii ree galbeedna waan gaadhi waynay dabeeto waxaan soo baxnay wax nooc kale ah oo qaaqaawan kana madhan diin iyo dhaqan intaba.




 




Sidaa awgeed waxaan leenahay intaan dhawnahay aan ka tashano jaadka oo iska dhaafno cunistiisa iyo ka ganacsigiisa intaba waayo waxaa uu inagu hayaa dhiig bax qarsoon oo dad badani u dhinteen kuwa kalena dhabada u hayaan inay u haligmaan.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)