Thursday, March 27, 2014

XUKUUMADDA SIILAANYO OO IS WADA QABSATAY.


Weli taariikhda Somaliladn kamay dhicin intii dawlad soo martay garsoor iyo fulin cirka islu baxay.  Garsoorkii waxay ka cabanyaan sid xun ee ay fulintu faro gelinta ugu hayso, iyo amarada ay bixinayaan ee ah hebel sii daaya.




Bulshaduna waxay ka cabanaysaa garsoor xun oo aan laaluush mooyee wax kale ku shaqaynayan, waxaad arakays isla hal todobaad gudihii laba waraqadood oo iska soo horjeeda oo isla nin keliya wada sexeexay … Waa la xayiray iyo waa la sii Daayay.




Laba qof oo isku haysta jago ayay sidaasi ka yeelayaan. Xukuumaduna ma dhaanto waa taasi iyana leh sii daa hebel oo labadan is qabsaday kii xagooda u cararay u hiilisay.




Garsoorku wuxu ahaa inuu si cadaalad ah u sheqeeyo cidna sidan kumay tidhaahdeen markii iyana la arkay masaa’ib inay yihiin oo aanay cadaalad hayan ayay tani ku dhacday. Waxay gaadhay inay iska horyimaadan maxakamadihii iyo saladhigyadii oo ay qaarkood diidaan inay kiisaskooda qabtaan, bal caqligaasi eeg. Kiiska ma saldhiga ayaa leh mise qaranka ayaa khuseeyaa?




Waa is hayshada siilaanyo laga sugayo inuu furdaamiyo waa kii ku qaylin jiray agaasime iyo wasiir ayuu Riyale kala saari waayay. (Cabdi Haybe Iyo Anwer)




Wasaaraddii Maaliyadda iyo baankii ayaa iyana isku maran. Waxay isku hayaan bal adba garo.




Waxay la’ayihiin cid kala saarta oo u kala xadaysa hawlahood ama amar dusha kaga keenta. waxay xaaladda xukuumada silaanyo maraysaa  An Amiir wa anta Amiir wamna Yusuuq xamiir.




Sidan haday kuwo socot maalinba laba hay’adood iyo wasiir iyo agasime iyo garsoor saldhig xukme iyo gudoomiye maxkamedeed iyo wasiir ku xigeeen ayaa samada isla mari waana dawlad xumo halkii ugu hoosaysay.




Qalnkii: Muna Maxamed Cali




Hargeysa/Somaliland