Sunday, March 30, 2014

Somaliland:Baahi 23 jirsatay oo jawaabteeda laga horaysiinayo sugida Ammaanka


Daawo:Caasimada Hargeysa oo  ku 23 jirsatay dib u xorayntii ka dib biyo yaraan sii kordhayso iyo rajadii ugu horaysay oo wali laga haraadanyahay.. Warbixin GNA




BIYO XARAFHargeysa(GNA)-Bilowga Mashaariic ku kacaya ugu badnaan 20 Milyan oo Dollar oo Dawladdo shisheeye iyo Baanka adduunku ku deeqay, ayaa ah rajadda ugu dhow ee lagaga bixi karo biyo la’aanta haysata 70% ka mida Bulshada ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasoo ah baahi 23 sanno jirsatay.




Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa oo Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa sheegay in duruufta ka jawaabista biyo yaraanta Magaaladu u baahantahay talaabo caabiyi karta baaxada korodhka Bulshada ku nool oo afar jibaarmay sida la qiyaasayo 23 sanadood ee ugu dambeeyay.




“Hargeysa sidii loo soo galay wali mashruuc balaadhan oo biyaha wax lagaga qabanayo lama hirgelin, magaaladdana maanta waxa isugu yimi Qurbo-joogii dalkeena iyo bulshadii kale ee Gobollada oo dhan, markaa rejada ugu weyn ee Biyaha Hargeysa wax lagaga qaban karaa waxa weeye Mashruuc midowga Yurub maal-gelinayo 15 Milyan oo Dollar, Mashruucaasna Hay’ada UNHABITAT ayaa lagu wareejiyay, meel wanaagsana wuu marayaa”ayuu yidhi Ibraahim Siyaad Yoonis.




biyoooleDawladda Somaliland ayaa awoodda ugu badan ee dhaqaalaha ku bixisa dhanka amaanka oo 60%, ka mida Miisaaniyadda Qaranka lagu daboolo, halka biyo yaraanta  iyo hoos u dhacsanaanta adeegyada caafimaadku ay yihiin baahiyo aan wali loo gudbin xili ay dawladdu lacag adag ku bixiso.




“sida Miisaaniyadda ku cad 60% ayaa ku baxa Amaanka marka si guud loo eego, marka la kala saarsaarana waxay u kala baxayaan dhawr noocan laamaha amaanku”sidaasi waxa yidhi Maxamuud oo ah Nin Dhalinyarada wax baratay ka mida.




Cuqaasha Beelaha ayaa ka mida dadka ka shaqeeya arrimaha nabad-gelyada ee Mushaharka Dawladda ka qaata, laakiinse hadana waxay u muuqdaan mutadawiciin bulshada u adeegan oo aan helin Kabis dhaqaale oo ku filan.




Hase ahaatee ma jirto ilaa hada cid si mutadawacnimo ah uga shaqaysa horumarinta adeegyada Biyaha wax ka badan in qof leeyahay, sida ceelasha macbalka ah ee ku yaala tuulooyinka iyo Baraagaha biyaha roobka lagu kaydsado  oo ah waxaan inta dadku wada lahayn oo xataa mararka qaar xiliyadda jiilaalku dabada dheeraado sicir adag lagu iibiyo biyaha.




Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa laga soo xigtay inay khatar biyo yaraaneed oo aad u saraysaa ku soo fool leedahay dadka ku nool mandaqada Geeska Afrika, siiba Somaliland konton ka sanadood ee soo socda, waxaanay taasi abuurtay wer-wer dheeraad ah oo la soo dersay dadka aaminay warka daraasada lagu sheegay.




Laakiinse ma jiro ilaa hada Jawaab Qaran oo kor loogu qaadayo biyaha ay dadku helaan , taasoo kaaf iyo kala dheeri ka dhigaysa xaalada la saadaaliyay iyo gaabiska bulshada iyo dawladdaba ka muuqda.




Si kastaba ha ahaatee, waxa laysweydiinayaa goorta ay biyo ku filan heli doonaan 70 % ka mida dadka ku dhaqan Caasimada dalku, inta aan la gaadhin magaalooyinka kale ee dalka iyo Dhulka Miyiga ah ee ay xooluhu ku nool yihiin?.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com