Sunday, March 30, 2014

Caynabo: Maayirkii Degmada iyo ku-xigeenkiisii oo xilalkii laga xayuubiyay


Caynabo(GNA)-Golaha Deegaanka Caynaba ayaa xilalkii ka qaaday Maayirkii iyo maayir kuxigeenkii degmada Maanta oo Sabti, ka dib markii ay cod u qaadeen.




Laakiinse labada xubnood ee la riday ayaa ka soo horjeestay xil ka xayuubinta lagu sameeyay, oo timi ka dib markii 9 xubnood oo mida 13 xildhibaan ee Deegaanku ansixiyeen mooshinka maamus ka xayuubinta.




Cabdiqani Cabdi Yuusuf ayaa loo doortay Maayir cusub, halka Nuur Ducaale  Warsame ku xigeen laga dhigay.




Doorashada ayaa u dhacday hab gacan taag ah, waxaana labada xubnood lagu eeddeeyay hawl gudasho la’aan, sida uu Gobanimonews u sheegay Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mida mudaneyaasha ka soo horjeeday labada masuul “waxa lagu eeddeeyay hawl-gudasho la’aan iyo gaabis, waxaana xil ka qaadistooda loo maray nidaam waafaqsan xeerka Dawladdaha hoose ee dhawaan  la sameeyay”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “hadii ay ku qanci waayaan iyagay jirtaa, laakiinse dalku waa dimuquraadi, madaxweyne ayaa cod lagu bedelaa, macdalaa waaba xildhibaan yar”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Labada xubnood ee la doortay ayaa ka mida Xisbiga talada haya ee Kulmiye, hase ahaatee Maayirku wuxuu ka soo baxay Ururkii RAYS ee hadhay.




Degmada Caynaba ayaa ka mida degmooyinka Grade C-ga lagu saleeyay Doorashada Goleyaasha Deegaanka, waxaana tirada guud ee xildhibaanadu tahay 13 xubnood.




Maayirka iyo ku-xigeenka xilalka laga qaaday ayaa shir-guddoon ahaa tan iyo markii golahaasi la soo doortay, waxaanay noqonayaan xubnihii ugu horeeyay ee xilalka laga qaaday guud ahaan Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Deegaanka la sanadkii 2012-ka la doortay.




Ma cadda talaabada ay qaadi doonaan si ay xilalka laga qaaday ugu sii gor-gortamaan,noomanay suurto gelin inaanu Taleefoonka ku helno Maayirka la bedelay Faysal Axmed Jaamac  oo aanu wacnay, hase ahaatee xubno ka mida Golaha Deegaanka ayaa Gobanimo u sheegay warbaahinta ka diideen xil ka qaadistooda.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com