Thursday, March 27, 2014

Wax Ka Ogaaw David Moyes Iskoorada Aan Loo Baahneyn Ee Uu Man United Kusoo Kordhiyay!


inta badan waxaa la sheegaa iskoorada dhanka wanaagsan laga eegay ama koox walbo ay ku faani karto balse macalin David Moyes nasiib daro ayaa qabsatay waayo inta badan xili cayaareedkan wuxuu garoonka Old Trafford kusoo kordhiyay iskooro aan loo baahneyn sida darteed waxaan idiin heynaa macalinka reer Scotlanada iskoorada United u ooli jiray sida uu ugu cayaaray xili cayaareedkan, dabcan hadii uu xaalkiisa sidaas sii ahaado waxaa hubaal ah in iskooro badan oo aan laa baahneyn inuu Old Trafford kusoo kordhin doono, fadlan hoos kaga bogo:




 




    Waxaa la hubaa in Man United ay xili cayaareedkan ku dhameesan doonto dhibco ka yar tan markii la aas aasay Premiership-ka dhibcaha ay sanad walbo la imaan jirtay inka badan 20-sano!




    Waa markii ugu horeesay mudo ka badan 10-sano ee Man United 6-kulan garoonkeeda looga badiyo!




    Waa markii ugu horeesat tan iyo sanadii 2001 oo ay Man United la kulanto sedex kulan oo xariir ah oo laga badiyo xili cayaareedkan ayay mashaqadan ku dhacday!




    Man United xili cayaareedkan wareega 3-aad FA Cup-ka ayay ku hartay arinkan hal mar oo kaliya ayay horey u dhacday markii uu Alex Ferguson joogay!




    United xili cayaareedkii markii ugu horeesay waxaa garoonkeeda uga badisay kooxda Swansea City.




    United markii ugu horeesay tan iyo sanadii 1972 waxaa garoonkeeda Old Trafford kaga badisay kooxda New Castle.




    United markii ugu horeesay tan iyo sanadii 1978 waxaa garoonkeeda kaga badisay naadiga West Brom.




    Naadiga Stoke City ayaa markii ugu horeesay tan iyo sanadii 1984 ka badisay kooxda Man United!




    Tan iyo markii Premiership-ka la bilaabay xili cayaareedkan waxaa dhacday in kooxaha Man City iyo Liverpool ay Man United ka badiyaan Home & Away waxaan ula jeedna in United 4-kulan oo ay la cayaartay Liverpool iyo Man City laga badiyay xili cayaareedkan taariikh ahaan Premiership-ka horey arinkan ugama dhicin!




    Sidoo kale waxaa la arkay xili cayaareedkan markii ugu horeesay ee Man United cayaar 1-daqiiqo socoto gool laga dhaliyo waa arin aan horey United looga baranin tan iyo markii Premiership-ka la bilaabay sanadii 1992.