Sunday, March 30, 2014

Muranka Shirweynaha Kulmiye oo mar kale Madaxtooyada hadheeyay iyo Ismari waa taagan


Madaxweyne  Siilaanyo oo meel isu keeni la’ Falaadhaha is-mudaya Mushkilada abuuraya iyo hogaanka Xisbiga oo caawa Madaxtooyada looga yeedhay.




siilaanyo-300x268Hargeysa(GNA)-Muranka ka taagan qabsoomida Shirweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye waa mawduuc dadka badankiisa sameyn ku leh oo aan hadana  xiise badan ka lahayn xiligan gudaha dalka.




Shirka ayaa tirabo saddex jeer dib u dhacay dabayaaqadii sanadkii 2013 iyo bishan March oo uu Madaxweyne Siilaanyo 22-keedii in la qabto soo jeediyay, hadana lagu guul-daraystay.




Mawduucan ayaa ah mid ay inta badan isha ku hayso warbaahintu, soona warinayso xaalad kasta oo ku soo korodha, hase ahaatee ilaa hada ma jirto cid saadaal saxa ka bixin karta goorta shirku dhacayo iyo nooca uu noqon doono Shirkaasi midna.




“horta waxa muuqata in 10-kii qodob ee lagu xaliyay Khilaafkii hore layskaga daba yimi oo aanay sidii lagu heshiiyey waxba u soconayn, laakiinse ma garan karno sida ay wax noqonayaan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Khadar oo  arrimaha Asxaabta Siyaasadda muddo dheer ku soo dhex jiray.




Rafadka shirweynaha Xisbiga ayaa salka ku haya dhawr qodob oo xaasaasiya,  hase ahaate waxyaabaha ugu culus ee hada laysku mari la’yahay waxa ka mida qaybinta Ergada Shirweynaha iyo waxyaabo kale oo farsamo, kuwaasoo uu ka mid yahay qodob hore xal looga gaadhay oo aad moodo in wax dambe ka soo noqdeen, kaasoo ah tartanka hogaanka xisbiga.




Wararkii ugu dambeeyay




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhadhow xisbigu, hogaanka Sare ee Xisbiga ayaa caawa looga yeedhay aqalka Madaxtooyada, halkaasoo sida la tibaaxay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee Madaxtooyadu kula kulmeen.




Ma cadda waxa kulankaasi oo inuu qabsoomay si rasmiya aan loo caddeyn lagaga wada hadlay, hase yeeshee waxay wararku intaasi ku darayaan in tegitaanka hogaanka Kulmiye ee Madaxtooyadu ka dambeeyay khilaaf cirka isku sii shareeray saacadihii la soo dhaafay.




Hogaanka Xisbiga iyo guddida qabanqaabada shirweynaha.




Labada dhinac ee xisbiga hawshiisa farsamo ahaan gacanta ku haya ayaa u muuqda kuwo meel ay ka dhaafaan la’  cabaqado siyaasaddeed oo dhinacyo badan ka haysta, kuwaasoo ay u dheeryihiin ku dhegsanaanta Madaxda Xisbiga ee arrimaha danaha khaas ahaaneed.




Tani waa sababta ay wali uga dabin dhawrayaan inay cayimaan xili mucayim ah oo Shirweynihii xisbigu qabsoomayo.




Waayo wali waxa lagu heshiisn la’ yahay qaabka loo qaybinayo Ergada shirka ka qayb gelaysa oo aan tiro sugan iyo toobiye lagu soo xulo toona laysku waafaqsanayn.




Si kastaba ha ahaatee Duruufaha xisbigan hada horyaala ee uu khilaafka uga bixi la’yahay maaha kuwo si fudud xal lagaga gaadhi karo, sababtoo ay tahay waayo waa kuwo aanay ka madhnayn hoos ka tuuryeyn siyaasaddeed oo lid ku ah hogaanka talada haya.




Laakiinse arrintan ugu muhiimsan ee hada lays waydiinayaa waxay tahay madaxweyne Siilaanyo diyaar ma u yahay inuu meel isugu keeno falaadhaha iska soo horjeeda ee xisbiga ku mudan, kuwaasoo iyagu meello ili ma qabatin ah iska hirdiyaya, si uu waa madaxweynaha ee u salaxdo Saaxad xisbi oo uu mar kale  Kursiga madaxtinimada ku hanan karo?.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com