Thursday, March 27, 2014

Jamaahiirta United Oo Lacag Ku Bixiyay Fariin Qoraal Ah Oo La Dulmarinayo Old Trafford Oo Moyes Looga Dalbanayo Inuu Baxo.


article-2590564-1C8FBDF700000578-309_634x421Koox taageerayaasha Manchester United ah ayaa iska uruuriyay lacag gaareysa 840 ginni oo ay ku kireysanayaan dayuurad yar oo dulmarta Old Trafford iyadoo dabada danbe looga xirayo boor ay ku qoran tahay fariin ka dhan ah tababare David Moyes.




Website taageerayaasha loo yaqaano The Republik of Mancunia fans ayaa iska uruuriyay lacag ay ku kireysteen dayuurad yar oo boorka ay dabada ku sidato ay ku qoran tahay: “Wrong One – Moyes Out’ waxaana ay dayuuradaas dulmari doontaa Old Tarfford kulanka Premier League ee ay Aston Villa soo booqaneyso.




Waxaana jamaahiirtaan dagaal aan toos aheyn kula jiraan taageerayaasha kale ee loo yaqaano Stretford End Flags group, kuwaasoo diiday inay dejiyaan boorka ay garoonka dhexdiisa ku dhejiyeen ee ah ‘Chosen One’ midkii la doortay.




Wesbite-ka The Republik of Mancunia ayaa lagu qoray: “Fariintaan aan sameyneyno waxa ay jawaab u tahay boorka ku xiran qeybta Stretford End Flags ee Old Trafford ee ku qoran “The Chosen One’. Ka dib kulankii ay United guuldarada 3-0 ka soo gaartay City, boliiska garoonka ilaaliya ayaa waardiye ka ahaa booskaas iyagoo ka walwal qabay in taageerayaasha ay meesha ka fujiyaan boorkaas.”