Thursday, March 27, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiye Muuse Biixi Oo Kulan Ka Yeeshay Dib U Dhaca Ku Yimi Shirweynihii KULMIYE


Hargeysa(GNA) -Guddigii qaban qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay inay dib ugu soo celiyeen hoggaanka xisbiga kala doorashada qaabka lagu soo xulayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa oo uu muran ka taaganyahay sida loo soo xulayo.




silanyo




 




Hoggaanka xisbiga ayaa la filayaa inay si deg deg ah go’aansadaan qaabka lagu soo xuli doono ergooyinka, oo uu shirweynihii xisbigu u dabranyahay. Geesta kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan arrimahan lagaga hadlayay isku horfadhiistay qasriga madaxtooyada.




Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin waxa la aaminsanyahay inuu la xidhiidhay ceebta ka taagan shirweynaha KULMIYE oo tiraba dhawr jeer dib u dhac uu ku yimid iyo caqabadaha hortaagan, waxaana la sheegay inuu Madaxwyenuhu guddoomiyaha KULMIYE ka dalbaday inuu u hawlgalo wax ka qabashada caqabadaha hortaagan shirweynaha xisbiga oo ay ugu muhiimsantahay qabaka loo soo xulaynayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa. Guddoomiye Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu go’aansado qaabka loo soo xulayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa.