Saturday, March 29, 2014

Somaliland: waxbana waanu ka qaban kari waynay AYAXA".


Hargeysa(GNA) Agaasimaha ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah Maxamed muuse cawaale oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in ay waxba ka qaban kari waayeen Ayax Xoogan oo mudooyinkii danbe ku sugnaa deegaanada somaliland.




Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in ay dadaal badan Galiyeen sidii ay u cidhib tiri lahayeen ayaxaasi balse waxaa uu tibaaxay in ay wax muuqda ka qaban kari waayeen ayaxaasi iyaga oo kaashanaya  Wasaarada Beeraha.




maxamed muuse




 




"Wasaarada beeraha Ayaan haysan dawooyinkii lagu biifin lahaa ayaxa taas oo keentay inuu ayaxu macaa soo galo magaalada hargaysa dadka sadaaliya cimilada hawda ayaa sheegay in ayaxa ka badan kii shalay ku hab-saday magaalada hargaysa inuu kusoo wajahan yahay gobolda galbeedka"ayuu yidhi agaasimuhu




Agaasimaha ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah Maxamed muuse cawaale oo hadalkiisa si wataa waxaa uu yidhi;




“wasaaradu qorshe dhan ayaa ay uleedahay haw lahaasi ayax baryahan way ku hawlanayeen waa kuwii tagay dhankaasi xeebahana anigu waxaan hubaaba in ay aad iyo aad udadaleen sidii ay arinkani wax uga qaban lahayeen shirar aaanu maalin dhawayd qabanayna waanagii siinay waxaanu talo siin hayne hadaanu nahay Haay’adda ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah.




Arintan ayaa imanaysa ka dib markii maalintii shalay ahayd uu ayax xoogani uu hadheeyey magaalada hargeysa kaasi oo hore ugu sugna deegano ka mida bariga iyo galbeedka somaliland.




Mustafe Maxamed Cabdilaahi




Gobanimonews




Hargeysa Office