Saturday, March 29, 2014

Dr Cali Macow Aweys :Budhcad Mise Dhakhtar


Cali macow aweys waa dhakhtar ku noola dalal ku yaalla qaradda yurub,wuxuuna  xaruumo ku leyahay dalka jermani oo uu muddo kasoo shaqaynayey,wuxuuna dhowaan xaruumo kale ka furtay meelo kale oo ka mid ah ingriska,cali macow aweys waa dhakhtar anay burnay amaantiisa dhakhtarnimo maadaama oo anay jirin cid aan soomali ahayn oo uu wali daweeyodhakhtarkani,isaago uu dhakhtarkiisu ku yaallo wadan ay dad badani ku nool yihiin oo cadaan iyo madowba leh,Dr cali ayaa la sheegay inuu ku takhaakhusey cuduradda Guud iyaadoonay jirin xanuun uu si gaar ah ugu takhaakhusay dhakhtarkani .




 




Dr Cali macow aweys ayaan ahayn mid ay ballaaqadiisa la dhaceen bulshada soomaaliyeed isaago marar badan lagu marti qaaday barnaamijyada ka baxa Tv-yada soomaalidu leedahay,isaago la waydiiyo su”aalo ku saabsan xanuunada guud,wuxuna marar badan ku margeda una qanci kari waaya daawada yaashi ,su’aalaha weydiinayey.sidoo kale wuxuu dhakhtarkani ka  muuqata caddaawada ku salaysan dhakhtarada kale ee uu dhashay somaliland isaago la sheegay marar badan in uu ku edeeyo kuwo ka hooseysa aqoon ahaan  isaaga,waxaa kale ee mararka aad daawanayso Tv-yada oo marar ku laga waydiiyo, su’aalo la xidhiidha caafimaadka, Dr Cali macow  aweys ayaa ku haftay,wuxuuna qanci kari waayey shacabka,waxaa kale oo  la sheegay in aanay wanaagsanayd  aqoontiisa caafimaad isaagon wali aan la arag dad uu daweeyo oo ka mano sheeganaayo.




 




Waxaa kale oo dhakhtar cali macow uu hadda usoo shaqo tagay somaliland isaago sixir lacagta lagu arkaayo ay tahay mid aad uu qaali ah oo aan wali lagu arag ge”yiga somaliland,lacagtaaso dhakhtarkan ka dhigeysa mid usoo shaqo tagay dalka ,shaqadaaso oo laga dheehan karo naxariis la’aan qodob kaaso aan uu wanaagsanayd qof sheenayaa dhakhtar,waxaana hore dalka uu joogay dhakhatir kale oo ka waayo aragsan  isaaga oo la odhan karo way ka wanaagsan yihiiin cali macow  aweys,kuwaason aan wali dalban in lagu arko sixirka intaas la “eeg wuxuuna dal baday dhakhtarkani lacag sadeex jibbaar ka badan  dhakhaatirta kale waxaana qofkiiba laga qaada lacag lagu sheegay $ 40 doolar taaso kali ku ah aragga dhakhtarka oo anay ku jirin lacagta shaybaadhka iyo ta dawooyinka,waxaanay wararka anu ka helayno bukaanka  ay tibaaxayan in bukaan socodka uu tagay dhakhtar in mar-kali ah laga shubtay lacag ka badan $ 100 maalin kali ah.




 




Dr macow ayaa hadda jooga Hargeisa isaago maalintii labaad fadhiya pharmacy jermani waxaana la sheegay in wasaaradda caafimaadku siisay oggolaansho ku saabsan in uu joogi karo waxna ku daweeyn karo,balse wasaaraddu kamanay qaadin dhakhtarkan imtixaan ku saabsan shaqadiisa oo keeni kartaa khatar caafimaad,waxaana lo  baahna  in laga taxaadero,maadaama oo anay sahlaneyd dhakhtarnimadu,waxaana hadda cadaatay in ay wasaaraddu qiimeysay xayeysiiska kasoo baxa Tv-yada,waxaana hadda indhaha loogu haya,sidaa looga mano sheegto dhakhtarkan,dad weyne aad uu tiro badan ay ki-yuu igu jiraa dhakhtar cali macow kuwaaso la daala dhacaaya xanuuno kala duwan,iyaadooy jilicsan tahay hayntooda jeebkuna,waxaana qaarkood uu sheegen shabakada warar ee xogreebnews.com-in anay meeshan ka fileyn naxaris balse ay illaahay ka rajeynayaan in alle ugu daro caafimaad gacanta dhakhtarkan,balse waxaay walaac ka mujiyeen, xadiga lacagta tiraada badan ee uu dal-baday Dr cali macow aweys.




 




Waxaa kale oo xusid mudan inuu dhakhtarkani noqon karo kii ugu lacagta qaalisan ee soo maraa somaliland oo aan wali lagu arag dhakhtar aragiisu oo gaadhaayo lacag badan oo ay aad uu dhibsadeen dadka bukaanka ahii,waxaana walaac laga qabba in ay somaliland noqoto meel lo soo shaqo tago oo ay cid waliba usoo han-qal taagto,waxaana hadda dalka jooga dhakhaatir faro badan oo ajani ah kuwaaso ka kala yimmi hindiya,masar maleesiya,iyo kuwo kale oo uu dhashay dalalka yurub,dhamaantoodna wali laguma sheegin,in lagu arko lacagta uu cali macow aweys uu dadka ka qaado waxaana la sheegay in saddex jibaar ka badantahay ta dhakhaatirta kale qaadan ,taasina waxaay cali macow aweys ka dhigeysaa nin aan sama-fal uu immaan dalka balse usoo shaqo tagay waxaana rummowday,inay somaliland noqotay meel ay cid walibaa usoo shaqo tagto oo dhwaanna la arkii doona kuwo kale oo soo qul-qulaaya looguna yeedhi doono dhakhtar,hadaba su”aasha uu baahan in lays weydiiyo cali macow aweys ma dhakhtarba mise waa nin aan waxba ka duwaneeyn budh-cada badaha ka af-duubta maraakiibta,waxaanan uu dhaafayo akhristayaasha waxanan qaybo danbe kusoo qaadan doona wixii kasoo kordhaa la soco..




 




Qalinkii




 




Cabdi casiis bashiir nuur




 




Tel 063-4144434