Thursday, March 27, 2014

Diego Maradona “Waxaan Jeclaan Lahaa Inaan Pep Guardiola La Shaqeeyo”


Halyeega reer Argentina Diego Maradona ayaa muujiyay sida uu aad ula dhacsan yahay waxqabadka macalin Pep Guardiola oo hogaamiyo naadiga Bayern Munich wuxuuna Maradona ka dhawaajiyay inuu aad u jeclaan lahaa la shaqeynta macalinka reer Spain, maalmo ka hor ayuu Guardiola Bayern Munich u qaaday Bundesligaha Jarmalka oo weli ka harsan 7-kulan waana sababta keentay in Diego Maradona uu qarsan waayo jaceelka uu u qabo la shaqeynta ninka caqliga badan guushana saaxiibka la ah wuxuuna yiri “waxaan aad ula jeclaan lahaa inaan Guardiola la shaqeeyo sidoo kalena todobaad walbana aan Bayern ku booqdo oo aan daawado tababarka uu bixinaayo kadibna aan la sheekeesto waayo aadban uga helay ilaa haatan shaqada heerka sare ee uu macalinkan qabtay”




 




Geeska kale Maradona ayaa amaan gaar ah usoo jeediyay kabtanka naadiga Bayern Munich Philipp Lahm wuxuuna yiri “weli ma aahan arag xidig ku caqli ah Lahm waayo wuxuu awood u leeyahay inuu ka cayaaro booskii uu doono weliba hal kulan gudahiisa ayaa dhowr boos ka cayaari karaa wuxuuna mudan yahay xushmad gaar ah madaama uu marwalbo Bayern ka dhex muuqdo” ugu dambeyntii Diego Maradona ayaa sheegay in xulka Jarmalka ay ku guuleesan karaan koobka aduunka oo lagu qaban doono dalka Brazil xagaagan wuxuuna yiri “Germany marwalbo waxay ka mid yihiin xulalka tartamada caalamiga ah wacdaraha ka dhigaan waxayna awood u leeyihiin inay koobka aduunka ku guuleestaan balse waxaan ka cabsi qabaa cimilada kuleelka badan ee Koonfur Ameerika inay caqabad ku noqoto sanadkan”