Saturday, March 29, 2014

Ma Ogtahay In Todobaadkan U Dambeeyey Oo Kaliya Ciidamda AMISOM Laga Gubay 20 Baabuur! Warbixin.


Hargeysa (GNA):- Hawl-gallada xidhiidhka ah ee ciidamada xoogagga Mujaahidiinta Alshabaab ka fuliyaan goobaha ay haystaan ciidamada shisheeye ee AMISOM ee Soomaliya, ayaa tirakoobkii ugu dambeeyey ee todobaadkan lasameeyey waxey ciidamada Alshabaab ku gubeen ilaa 20 Baabuur.




 




Baabuurtan ayaa lagaga kala gubay ciidamada Yugandha,Burundi, Siralyoon, Kenya, iyo Ithoobiya. Waxaana intaasi raaca ciidamada Dawladda Federaalka Somaliya iyo weliba kuwa taabacsan Axmed Madoobe.




 




Tirakoobkan oo warfidiyeennada qaar baahiyeen ayaa waxaanu hoos idiinku faah-faahinaynaa goobaha kala duwan oo baabuurtaas ay xarakada Al-Shabaab ku gubeen. Iyadoo lawada gar-waaqsanyahay in baabuurtan dagaalka ay dhammaantood la socdeen Saraakiil iyo Askar. Kuwaasoo la filan karo dhibaatada halkaas ka gaadhi karta oo dhimasho iyo dhaawacba leh.




 




 




 




Qoryooley Sh/hoose




 




Labo gaadhi oo Cabdi Bile ah dagaal xilli barqo ah.




 




Gadhi Taw ah. Dagaal Xilli Barqo ah.




 




Matabaan Hiiraan.




 




Labo Uuraal ah kamiin xilli Galab.




 




Bardaale Bakool




 




Hal gaadhi Uuraal ah qarax xilli galab.




 




Axad 22/05/1435h.




 




Qoryooley Sh/hoose.




 




Hal gaadhi Cabdi bile ah dagaal xilli Subax ah.




 




Hal gaadhi oo Booyad ah kamiin xilli Duhur.




 




Isniin 23/05/1435h.




 




Taabta iyo-Qooqaani Jubbada hoose




 




Hal gaadhi oo Taw Ah wadada Taabta iyo Qooqaani kenyaati. Qarax xilli Barqo.




 




Qoryooley Sh/hoose




 




Hal gaadhi oo Taw ah qarax miino Xiili Galab.




 




Hal gaadhi saban duleedka Qoryooley kammiin xilli duhur.




 




Deegaanka Ceel-lahelay Galgaduud.




 




Hal gaadhi oo Uuraal ah deegaanka Ceel la helay galgaduud dagaal xilli Galab.




 




Hal gaadhi oo Cabdi bile ah Ceel lahelay Galgaduud dagaal xilli Galab.




 




Talaada 24/05/1435h.




 




Deegaanka Number60 Sh/hoose.




 




Hal gaardhi oo Taw ah kali caafimaad Number60  qarax xilli  duhur.




 




Qoryooley Sh/hoose.




 




Hal gaadhi Taw ah saban duleedka Qoryooley kamiin xilli duhur.




 




Afgooye Sh/hoose.




 




Hal gaadhi Xamuul Amisom Afgooye Qarax xilli galab.




 




Arbaco 25/05/1435h.




 




Kismaayo Jubbada Hoose.




 




Hal gaadhi Taw ah Kismaayo qarax Siralyon xilli Barqo.




 




Qoryooley-Jannale.




 




Hal gaadhi Nooha maleeshiyaatka dowladda  kamiin wadada xiriirisa jannaale iyo qoryooley xilli  galab




 




Khamiis 26/05/1435h.




 




Kismaayo Jubbada Hoose.




 




Hal gaadhi oo Baraada ah Kismaayo Qarax




 




Jimco  27/05/1435h.




 




Qoryooley Sh/hoose.




 




Hal gaadhi oo Cabdi Bile Ah.




 




 




 




Warbixintani waxay muujinaysaa dhibaatada ballaadhan ee ciidamada AMISOM ay kala kulmayaan xoogagga Xarkada Al-Shabaab oo iyagu u muuqda kuwo ku tamariya gulufyada colaadeed ee caalamku iskugu soo bahaysto.