Monday, March 31, 2014

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo Dil ku xukuntay Nin Al-shabaab ah


Muqdisho(GNA)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa xukun dil ah ku riday maanta nin lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo horey u dilay sarkaal ka mid ahaan jiray ciidamada dowlada.




Liibaan Cali Yarow oo ah gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha lagu xukumay dil ka dib markii uu ku cadaadau dembiga lagu soo eedeeyey, maxkamadduna heshay qiraalka eedeysanaha iyo Markhaatiyo ku filan.




“Maanta oo taariikhdu tahay31/3/2014 Maxkamada ciidamada qalabka sida waxay u fariisatay dacwad ciqaabeedka gacan ku dhiigle Maxamed Isaaq Cabdi Cumar oo 21-jir, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu dilay Marxuum la oran jiray Ex-G/dhexe Xuseen Cumar Hilowle Mooja Mooja, labo xabad bastoolad ayuu ku dhuftay taariikhda marke aheyd 27/10/2013 cadeyn iyo markhaati buuxa ka dib waxay maxkamadu ku xukuntay gacan ku dhiiglaha dil toogasho ah"ayuu yiri Liibaan Cali Yarow.




Eeddeysanaha la xukumay ayaa haysta 30 Maalmood oo Rafcaan kaga qaadan karo xukunka lagu riday, sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamaddu.




Maxaabiis badan oo dil sugeyaal ah ayaa ku jira Xabsiyada Magaalada Muqdisho.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com