Wednesday, March 26, 2014

Maayirka Berbera oo Albaabada u xidhaya Wershada Korantada Dawladda


Maamulka Wershada Korantada Berbera oo Dawladda hoose ka la Lacagtii Laydhka Xafiisyadda, shantii bilood ee u dambeeyay iyo Bulshada oo u fasilay qorshe dhaqaale curyaamin ah…




cidinBerbera(GNA)-Dawladda hoose ee Berbera ayaa awoodi kari wayday inay iska bixiso biilashiii Wershada Korontoda ee Magalaada Berbera shanti bilood ee ugu danbeysey.




Wershada Korontoda ee Magaalada Berbera ayaa hoos timaada Wasaarada Hawlaha Guud oo uu sanadkii hore Madaxweyne Siilaanyo digreeto ku hoos geeyey, dhamaan Hay’addaha Korantada dawladda.




Wararka lagu kalsoon yahay oo Gobanimonews ka heshay Wasaarada Hawlaha Guud  iyo saraakiil Dawladda hoose ee Berbera ka shaqeeya, ayaa sheegaya in Dawladii Hoose ee Berbera aanay iska bixin biilashiii korontoda ee shanti bilood ee ugu danbeyey oo lagu qiiyasayo $50,000 doller.




Maayirka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino sababta ay isaga bixin waayeen daynta  Wershadu ku leedahay dawladda hoose oo markii la ogaaday hadal heyn badan iyo dood abuuray, ayaa ka jawaabi waayay Telefoonkiisa gacanta oo aanu ka wacnay,taasoo u muuqata inuu ka gaabsanayo la hadalka Saxaafadda.




Dhaqaale xumada wershada




Wershada  Laydhka Berbera oo saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay uun ka soo kabatay hoos u dhac haystay ayaa tani caqabad kale oo dhaqaale ku noqonaysaa, taasoo ay Golaha Deegaanku sababteeda wax ku yeelanayaan hadaanay iska bixin lacagta xafiisyadda ee lagu leeyahay.




Baahida adeegada korantada




Adeega Korantada ayaa ah waxyaabaha ugu qaalisan Magaalada xeebta ku taala ee Berbera, taasoo ay dadku inta badan ka cawdaan.




Dadka arrintan u dhuunta daloola ayaa sheegaya in xili ay ahayd in wax laga qabto cabashada qiimaha laydhka ee sareeya magaaladan cimiladdeedu kulushahay ay  wakhtigan timi  mushkiladan labaad ee uu ku abuuray maayarka Berbera Cabdi shakuur oo isago muddo dheer haystay wershadda kana warqaba xaaladeeda, hadana bixin waayay Korantada xafiiskiisu isticmaalo, taasoo Isweydiin abuurtay.




Digreeto Madaxweyne Siilaanyo oo xal ugu raadinayay caqabadaha laydhka Berbera oo fuli waayay




Guddi Wasiirro ah oo muddo ka hor Madaxweyne Siilaanyo u saaray xal u helida Mushkillada haystay wershada Laydhka  Berbera ayaa  soo jeediyey laba qodob oo kala ah in Private laga dhigo ama ay dawladdu kabto.




Labadan qodob oo ay guddidu u arkaysay in kii sameeyaaba wax ka bedelayo hoos u dhaca wershada, ayaan midna la lagu dhaqaaqin, sabab kasta haku timaadee.




Isweydiinta Bulshada rayidka




Hase ahaatee arrinta kale ee iminka la isweydiinayo ayaa ah Maamulka Wershada Korantada ayay ahayd inay Maayir Cidin ka baryaan biilka laydhka ay ku shaqeeyaan Xafiisyada dawladda hoose ee uu madaxda ka yahay? Mise waxay ahayd in Golaha Deegaanku Kab u sameeyaan Laydhka Magaaladda si dadka soo doortay u helaan adeeg koranto oo jaban.




Maayirka oo Maareeye ka ah wershada




Waxaana xusida mudan in Maayirku uu muddo dheer madax ka soo ahaa Wershadan, kana mid ahaa dadkii Hantida iyo hawsha badan geliyay,kuwaasoo ilaa afar sano ka hor wakhti hada laga joogo xoog ku qabsaday wershadan markii magaaladda la geeyay.




waanu ka war qabaa ayaa la leeyahay dhamaan Xaaladaha ku gedaaman oo ay ka mid tahay dhaqaale xumadda, taasoo ay  ahayd in maalintuu xilka la wareegay qorshe lagu kabayo uu ugu dhawaaqo, taasoo ah arrin dadka qaarkii ka filayeen, balse ilaa hada aan laga haynin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com