Saturday, March 29, 2014

Shirkaddaha Laydhka Burco Midoobay


shirkadaha laydhoBurco (GNA)Shirkadaha Laydhka Magalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer ayaa si rasmiya Ugu Midoobay Shirkada Laydhka Ee HECO.




Shirkadaha Laydhka Ee Midobay Oo Kala ah Somtel,Kaah,Beder iyo Plasa Electricity ayaa Munaasibad Baladhan Oo Loo Sameyay Midowga Shirkadahani ayaa Waxa ka soo Qayb-Galay Wasiirka Madaxtoyada,Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,Badhisabka Togdheer,Maayirka Degmada Burco,Saladiin,Cuqaal,Ganacsato iyo Marti Sharaf Kale Duwan.




Ugu Horaynba Waxa Xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Shegay inay Wasarad ahaan soo Dhawaynayaan Midowga Shirkadaha Laydhka Togdheer.




Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Runtii Aad Baan Ugu Faraxsanahay in Afar Shirkadood Oo Waawayni ay Midobeen,Waxaanay Horseed Fiican u Noqon Karaan Reer Togdheer,Afarta Shirkadood Ee Midobay Ee la Baxay HECO Caawa Waxaan ku Kaftamayaa Kubadii Burco ayaa Badisay,Hargaysa ilaa Toban Shirkadood Oo isku Tagay Laba Shirkadood ayay isugu Tageen Waxaanay isugu Tagi-Kari Wayeen Hal Shirkad Waa Guul usoo Hoyotay Reer Burco" Ayuu Yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland




Gaba-Gabadii Waxa Munaasibadasi Soo Xidhay Wasiiirka Madaxtoyada Xirsi Cali Xaji Xasan Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii




"Waxaan Caawa Tallo usoo Jeedin lahaa Shirkadaha Midoobay Oo Aan Leeyahay Dunida Waxaynu Nahay Wadanka Ugu Qaalisan Dhinaca Korontada Halkii Unit Waa Hal Dollar iyo Badh Shacabka ka Jabiya Sixirka Korontada Laydhka,Waxaan Tallo usoo Jeedinayaa Oo Aan Leeyahay Boqol iyo Shan iyo Labatanka Santi,Shan iyo Laban Santi iska Gooya Oo si ay Dowlada Hoose iyo Dowladda Dhexe ay iskaga Kaashadaan in Jidad Wadooyin Loogu Sameyo Gudaha Magaalada Burco" Ayuu Yidhi Wasiirka Madaxtoyada S/land




Cabdale Oo ah Gudomiyaha Gudigii Midaynaysay Shirkadaha Laydhka Magaalada Burco Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Marxaladihii kale Duwanaa Ee Uu Soo Maray Midowgani iyo Waliba Siday Ugu Gulaysteen inay Mideyaan Dhamaanba Shirkadaha Laydhka.




Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Midowga Shirkadaha Laydhka Burco Waxaanu Soo Wadnay Muddo Laba Sano ah ilaahay Mahadii Caawana Qorshahayagii Wuu Hirgalay Oo Way Midoben Shirkadihii Laydhka Burco,Waxaanay ku Midobeen Magaca HECO,Waxaan Shacabka u Shegaynaa umanaan Midobin Dantayada Ee Waxaanu u Midownay Dantayada,Danta Dadwaynaha,iyo Danta Qaranka Somaliland,Waxaananu Jecel Nahay in Aanu Samayno Oo Cudud Aanu ku Tarno Magalada Burco,Runtii Waxa Farxad ah Dadkeenu intay isku Tagaan ayay Shirkado Samaystaan Lakiin Waligeed May Dhicin inay Shirkado Waawayn Oo Shaqaynaya Oo Mid Kastaba Faido Donayso inay Midobaan,Waxaanay Gudidu ilaahay Mahadii ay ku Gulaysteen in Afar Shirkadood Oo Mid Walba Maamul Gaar ah Lahayd ay Hal Mar Heel isugu Wada Geyaan" Ayuu Yidhi Cabdale




 




Maareyaha Shirkadaasi HECO Ee Gobalka Togdheer Khadar Jibriil Aden Oo isaguna ka Hadlay Xafladaasi Baladhan ayaa isaguna Dhankiisa Bulshada Reer Burco Ugu Bushareyay inuu Midowga Shirkadahani Uu Horseed u Noqon-Doono Qiimo Dhimis Lagu Sameyo Adeega Korontada Ee Shirkadaasi.




Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay in Aan Daahfurno Shirkada Laydhka HECO,Shirkadani Waxay Waxtar Wayn u Leedahay Dhamaanba Bulshada Gobalka Togdheer,Runtii Waa Tusaale Lagu Dayan-Karo inay Midobaan Shirkado Waawayn Oo aynu Wada Garan-Karno Shirkad Kastaba Quwadii ay Lahayd,Waxaan Balanqadaynaa in Aanu Tayayn-Doono Adeegii Korontad Laydhka,Faidoyinka Uu Midowgani Leeyahay Haddii Aan Waxyar idinka Taabto,in Aanu Kor u Qaadno Nabad-Galyada Laydhka Oo Aanu ka Dhigno Mid Amaan ah,in Aanu Kor u Qaadno Tayadda Dabka,in Aanu Kor u Qaadno Adeegii Aanu Bixin-Jirnay,Waxaanan Sidoo Kale Bulshada Reer Burco Ugu Bushaaraynayaa in Aanu Qiimo Dhimis ku Samayn-Doono Adeegga Korontada Laydhka" Ayuu Yidhi Maareyaha Shirkadaasi HECO Khadar Jibriil Aden.




Gudoomiyaha Shirkaasi HECO Maxamuud Axmed Liiban Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa Dhankiisa Tilmaamay inuu Midowgani Yahay Mid Faa'ido Badan u Leh Bulshada Gobalka Togdheer.




Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Runtii Midowga Shirkadahani Wuxuu ku Yimi Dedaal iyo Bisayl Loo Soo Galay Muddo Laba Sanno ah,Runtii Waxaan Odhan Karaa Caawa Waa Guul Mar Haddii Laydhkii Burco Oo Dhan  Hal Meel Laga Wada Shidayo,Arrintani Waxay Keenaysaa Faa'iidoyin Badan Oo ay Bulshadu Sugaysay,Marka la Midoobo Shirkaduhu Waxay Awood u Yeelanayaan inay Helan Awood ay Tamar Jaban idinku Kenaan,Waa Wax Lagu Dayan-Karo inay Midoobeen Shirkadihii Waawaynaa Waxaanan Leenahay Shirkadaha Kalana idinkuna Midooba,Maanta Waa Farxad Burco Waxay Samaysay Wax Aan Hore Somaliland Uga Dhicin" Ayuu Yidhi Gudomiyaha Shirkaasi HECO.




Xildhiban Jaamac Xasan Aden Oo ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa shegay in Shirkadaha kale Ee Dalkana Looga Baahan Yahay inay Midoban Oo ay ku Daydaan Shirkadda HECO.




Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Waxaan Amaan usoo Jeedinaya Cid Kasta Oo ka Qayb-Qaadatay Midowga Shirkadani Laydhka,Anigoo ku Hadlaya Afka Golaha Barlamanka,Afka Ganacsatada Reer Togdheer iyo Magaca Xisbiyada Mucaradka ahba Waxaan Soo Dhawaynaynaa Midowga Shirkadahani Oo Aanu leenahay Kuwa Kalan ku Dayda" Ayuu Yidhi Xildhiban Jaamac Xasan Aden




Mareeyihi Shirkadda Laydhka Kaah Hargaysa Xasan  isla Markaasna ah Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Ee Magalada Hargaysa Oo isaguna Munaasibadasi ka Hadlay ayaa Amaan usoo Jediyay Shirkadda Dahab-Shiil Oo Uu Shegay inay kaalin wayn ka Qaadatay Midowga Shirkadahani.,Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Waxaanu Garankarnaa Faa'iidada Bulshada Ugu Jirta Midowga Shirkadaha Laydhka,Reer Burco Waxaan Leeyahay Waxaad ku Talaabsateen Wax Loo Baahnaa Oo Dalku u Baahnaa,Waxay Keenaysaa Midowgani inay Shacabku Helaan Adeeg Laydh Oo Dhamaystiran Oo Lagu isku Halayn-Karo,Waxay Sababi Kartaa in Hoos Loo Dhigo Qiimaha Adeega Korontada Laydhka,Reer Somaliland Haddii Aynu Nahay Waxay ina Tusaysaa inaynu ku Dhaqaqi Karno Danta Shakhsiga Oo aynu u Gudbi Karno Danta Ummada,Runtii Maaha Guul ay Burco Oo Kaliya ay Gaadhaye Waa Guul Somaliland Oo Dhami ay Wada Gadheen" Ayuu Yidhi Mareyaha Shirkadda Laydhka Kaah Hargaysa Xasan




Eng: Cabdi Cali Barkhad Oo ka Mid ah ingiradii Qiimaynayay Shirkadaha Laydhka Burco Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii




" Dowladda Waxa Looga Baahan Yahay inay ilaaliso Adeegyadda Shirkadaha Gaarka ah Walina Taasi Xukumadu Waxba Kama Qabanin,Wasiirka Tamartu Wuxuu Diyaargareyay Shuruuc Lagu Maamulo Shirkaddaha Laydhka,Haddii Dadwaynaha Reer Somaliland Loo Danaynaayo Wasiiradii Madaxtoyada iyo Tamartu Way Joogane hala Ansixiyo Xeerkaasi,Waayo Waa Hogaankii Xidhayay Shirkadaha,Ogaada Laydhku inuu Jabo Shirkaddaha Oo Kaliya Kuma Xidhnee Waxa Loo Baahan Yahay inay Dowladuna Gacan ka Gaysato,Wasiirka Tamar Mushkilad ayaa Haysata u Baahan in Lala Xaliyo Laydhku ilaa Hadda ma Taagno Meel Xadidan Dhinaca Dowladda,Waxaanu u Taagnan Kari la-yahay Wasiradii Howlaha Guud iyo Wasaradii Tamartuba Dhinac ayay ka Haysataan,Waxaan leeyahay Wasiirka tamarta haloo Daayo Wixii Tamar ka Hadlaya Si Loogu Madax Bananaysiyo Shaqadiisa" Ayuu Yidhi Eng Cabdi Cali Barkhad




Sidoo Kale Waxa Xafladaasi ay ku Midobayaan Shirkadaha Laydhka Togdheer ka Hadlay Badhisabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye,Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad,iyo Agasimaha Guud Ee Wasaradda Tamarta Waxaanay Dhankooda Tilmameen Faidada Uu Bulshada u Leeyahay Midowgu isla Markaasna Loo Baahan Yahay in la Tayeeyo Adeegga Korontada LaydhkaMaamulaha Shirkadda Dahab-Shiil Burco,Gudomiyaha Shirkada Telesom,Gudomiyaha Gudiga Ganasatada Togdheer Oo iyaguna Xafladaasi Baladhan ka Hadlay ayaa soo Dhaweyay Midowga Shirkadahani Laydhka.




Si Kastaba ha ahatee Munaasibadani Baladhan Ee Loo Sameyay Midowga Shirkadaha Laydhka Togdheer Ee la Baxay HECO ayaa ahayd Xaflad si Wayn u Kulmisay Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office