Thursday, March 27, 2014

War deg dega: Bilayska Somaliland oo xidhay Xarun Caafimaad oo uu fadhiistay Dr. Cali Macow


Bilayska oo kaxaystay Dr. Cali Macow Aweys oo Maanta shaqada ka bilaamay xarun caafimaad oo ku taala Hargeysa




MacowHargeysa(GNA)-Ciidamada amaanka ee Caasimada Hargeysa ayaa shaqadii ka joojiyay Dr Cali Macow Aweys oo ah  Nin xarumo Caafimaad ku leh dalka dibadiisa oo beryahanba muran ka taagnaa adeegyo caafimaad oo uu doonayay inuu ka fuliyo Magaalada Hargeysa, ka dib markii Bulyshadu shaki ka qaaday aqoonta Dhakhtarnimo ee ninkan oo hore dibada loogaga cawday.




Dr. Macow oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ilaa aanay caddeynin inay siisay ruqsada uu hawlaha Caafimaad kaga fulinayo Hargeysa ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, iyadoo ay hore dhamaan hay’addaha Caafimaadku u caddeeyeen inaanu wax ogolanshiyo ah ka haysan.




Dhakhtarkan ayaa fadhiistay xarun lagu magacaabo xabiiba Xanaan Farsamasi oo ku taala badhtamaha Magaalada Hargeysa, halkaasoo uu maanta gelinkii hore ka bilaabay hawlo baadhis caafimaad ah, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad Bukaan socod ah oo u tegay.




Hase ahaatee abaaro Kowdii Duhurnimo ee isla maanta ayaa la sheegay  inay halkaasi ugu yimaadeen Ciidamo bilays ah oo wata ilaa saddex gaadhi, kuwaasoo sida ay Goob-joogeyaal Gobanimonews u xaqiijiyeen albaabada u xidhay xaruntii uu fadhiyay.




Dr. Macow ayaa la sida ay goob-joogeyaashu noo xaqiijiyeen la kaxeeyay isagoo gacanta ku haya hawlihii shaqo ee uu bilaabay, sugayaana dad badan oo bukaan socod ahi.




“abaaro 1:00 duhurnimo ayay ciidamada amnigu xabsi u  taxaabeen isagoo gudanayaa shaqadii uu ku eegaayey dadka bukaan ah, goobta habiibi hanaan, waxaana sugayay dad badan oo ka mid ah dadka u diwaan-gashan oo tiradoodu gaadhayso 1820, kuwaasoo qofkiiba uu ku eegaayey 40 dollar”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay goob-jooge Magaciisa ka cudur daartay inaanu xigano.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka Somaliland oo la xidhiidha xadhiga ninka Mihnadlaha ah, waanay ka gaabsadeen xubno ka mida Bilayska oo aanu la xidhiidhnay.




Hase ahaatee saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ruqsada ogolaanshiyaha siiyay, inkasta oo isla todobaadkan uu agaasimaha wasaaradaasi imaanshiyaha ninkan su’aal geliyay.




Dr. Macow ayaa muddooyinkii u dambeeyay Talefiishanada laga xayeysiinayay hawlaha Caafimaad ee uu ka fulinayo geeska Afrika, taasoo u soo jiiday dad badan oo Bukaan ah oo meelo fog-fog iyo gudaha Magaalada Hargeysa isaga kala yimi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com